Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salim Moha on December 22, 2022, 07:41:50 PM
-
Asc Ugu Horrayntii Waxaa Mahad leh Allah , Sidoo kale waxan Bogadinaya bahda somali Doc.
Dr Maalin Ayaan Bajaaj ama dhug dhugley ku dhufsaday jilib kamd ah jilbahayga , Aniga oo kadaganaya, jilibku habenkas iyo malinteda unbu ixanunay, kadib xanunki wuu daayay wax dawa Uma qadan , waxaa Caadi ahaa muddy 20 Bari ah , dabaded malin aya jilibkayga midig oo laban fidiyay markasan kamaqlay sharqan (Pop/crack) (ma hubo inuu yahy kii jugta gaartay) , waxyar hadu labnado oon kalabxiyo wuu sharqamayay, markale Aya anoo labadaba jilib isku kaysaranyihin baa kii midig kaar ka daremay, inta waxii kadambeyay , jilibki Ayan kadaremay Kar yar oo imanaya dhawr jeer muddo dhawr sikin ah oo tagaya kaas oo ah Dhinacyada jilibka , kaarkaa imanaya ee tagay Ayan Malmo kadib ku arkay jilibka bidix , dhakhtar ba u tagay , waxa uu iiqoray Vitamin D star iyo Diclocine 7 Bari ah , Dabbaded wa kulabtay , waxa uu iiqoray Dicloneuron 10 Bari, Hada , waxan Kadaremaya Labada jilb ba in wax Dhag kadhahyan marka jaranjarta isticmalayo , ama kaabadaha, Ciladas way wadagan waxayna kubadantahay midigta , Malin dhawed waxa Midigta ku arkay In Knee capku uu Meel kudhagayo marka lugta fidiyo kadib uu ka kacayo , knee cap wuu toosanyahy oo Gees Uma baxayo , lkn waxba qabanaya kadibna sidaynaya , waqti xaadirkan Midigtu wayka liidata bidixda , Lawga bidix hada ayaa uu soo bilabaya Crack sound lkn ma badna .
minka xoogaa socod ah hada sameyo way I xanuunayan , sidoo kale jaranjarada xanuun Ayan ku darema , haday cabaar laabnaadaan sidoo kale .
Maxaa talaa Dr iyo bahda Somali doc , Da'daydu waa 23 Sano , madhelo banooni iwm , waxaa intanan jilibuhu I xanunin horay u isticmalay 2 asbuuc oo Nexium 40 mg ah iyo 4 asbuuc oo penteprazole 20 mg ah .
Waxan rajaynaya in deg deg iigu soo jawaavtaan Waa mahadsantihin .
-
(http://s01.flagcounter.com/mini/ezoj/bg_FFFFFF/txt_dddddd/border_ffffff/flags_1.jfif)