Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdallah on November 23, 2016, 08:09:49 AM

Title: Su'aal: Kaadi kaadi kale ka dambayso?
Post by: Cabdallah on November 23, 2016, 08:09:49 AM
asc dhamaan walalaha dhaqattiirta salan kadib wxn qabaa su aal kusaabsan kaadida

waxan ahay wiil dhalanyaro ah wxaa aad iyo aad ii dhibay biyo miyaa iyo kaadi miyaa ma aqane taas oo kadambeso markaan soo kaadiyo kadib oo bilaa daren iiga so baxda xita anigo musqusha kaso baxay marmar isku arka mudo dherna wan ahay sidan dhaqatir wan utagay dawoyin qalajiye bdn wan so isticamlay marar kala duwanoo badan diktoore runtiii aad ayay iidhibtay kaadidan wayo isdaahirinteda xita qatar baay kuthy markan soo kadiyo oo iska dhaq maago markan dhameyo dhaqida wakan afka xubinteda taranka ay ba uso dhowdahay si bilaa daren ah  weliba waxa jira xila ay daran thy arintan tas oo ah { wxn ahay wil an weli guursan wxa dhacayso haweno qaar inay biyo iga yimadan {shahwo} kadib hawenkas malinta kuxigto iyo malmaha kudhowdhowba way igu daran thy diktoore maxan sameyo daawo iyo talo ba ..dhaqtirka qar xita wxay igu dhehen guurso way dhamnaysa cml .........dhib male wan gursanaya lkn wxn ubanahay si ay iga joogsato waxan ama inay iga harto waxan aadka ii dhibay illen horey uma qawin. mahadsanid dhaqatirta jaazaakalalhu qayran......
Title: Re: Su'aal: Kaadi kaadi kale ka dambayso?
Post by: SomaliDoc on December 15, 2016, 11:42:14 AM
Cilladaada waxay u baahan tahay in la kala saaro, waxayna noqon kartaa 3 cilladood mid:
1- In kaadi ay tahay waxa kaa imaanayo, cilladuna ay tahay haniyaha u dhaxeeyo kaadiheysta iyo ibta xubinta soo dhexmarto, qofka wuxuu dareemaa markii kaadi ku soo dhacdaba kaadi heysta inay si aayar ah u soo baxdo iyadoo aadan dareemin, waxaana jiro baaritaano lagu ogaado in dhibkaaga uu sidaa yahay.
2- Midda labaad waxa kaa socdo haddii ay shahwo tahay in cillad ay kaa haysato qanjirka borostaatada oo bararan ama cabburan, kaasoo jiirashada ama dareenkaba u keeno in shahwo ay soo daadato, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3664.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3664.0)
3- Midda sadaxaad waa haddii cillad ku timaado neerfaha kontaroolo qanjirrada shahwada u xilsaaran tanoo keenayso in haddii dareen ku galaba ay shahwo timaado kontarool la'aan. iyadane ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3183.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3183.0)

Si loo ogaado cilladahaan waa in aad la xiriirtaa dhakthar Urologist ah oo qalabyadii lagu baarayay heesto si cilaldaana loo bixiyo, midda ku saabsan guurka waxay kaa caawin kartaa haddii cilladaadu ay tahay midda dhexe oo loo yaqaano "Congestive Prostitis", laakiin labada kale guurka shaqo kuma lahan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.