Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kurtun2016 on May 28, 2016, 10:44:17 AM

Title: Su'aal: Sideen isaga daweyn karaa Cijiyaha oo jirka gala?
Post by: Kurtun2016 on May 28, 2016, 10:44:17 AM
ASC waxaan salaamayaa dhammaan xiriirka dhaqaatiirta soomaaliyeed waana uga mahad celinayaa kaalinta ay u hayaan bulshada soomaaliyeed.

intaasi kadib waxaan rabaan in su'aashan laygaga jawaabo

1-muddo afar sanadood ah waxaa dhibaata igu haya cidiyaha suulasha oo jirka dhinac ka gelaya wax ka badan 5 mar ayaan iska bixiyay cijada suulka marwalbana waa iga bushiyaan jirka balse marka aan bixiyo waan bogsoodaa
haddaba sideen ugu dabar jari karaa cudurkaas.

FG Culeyskayga waa 74 Kiilo
Title: Re: Su'aal: Sideen isaga daweyn karaa Cijiyaha oo jirka gala?
Post by: SomaliDoc on June 18, 2016, 03:19:19 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ciddiada.png)

Bismillahi.

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cillad aad ugu badan bulshada, waana cijida dhexgasho hilibka suulka taasoo keenayso in suulku bararo, xanuun siyaadane la dareemo.

Waa maxay cijida suulka dhex gasho?
Waa cillad aad u badan waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Ingrown Toenails" oo ah macnaheeda cididada oo gudaha u baxdo, markii cididda gudaha u dheeraato waxay dhaawac gaarsiisaa hilibka suulka, tan oo marka hore loo dareemo barar ahaan laakiin isku badali karto caabuq loo yaqaano "cellulitis", waxaa dhici karto in suulku malax gasho.

Maxaa keeno cijada gudaha u korto?

Cilladaan farahee ku dhacdaa?
Wuxuu badanaa ku dhacaa suulasha cagta khaasatan dhinaca gudaha xigo, wuxuu kaloo ku dhici karaa faraha kale ee jirka.

Astaamaha lagu garto in suulka caabuq qaaday:
Waxaa ugu horayso barar, gaduudasho, xanuun iyo daqnasho, ur ama dheecaan ka yimaado, waa in aad dhakhtar u tagtaa sida ugu dhakhsiyaha badan si uusan caabuqa u faafin.
Iska ilaali in aad qoddo ama wax geliso meesha dhaawaca ah way ka sii dari kartaa maadaama infekshanka uu u gudbi karo meelo kale oo caafimaad qabay.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Daawayntu waa laba nuuc hadduu barar kaliya ay tahay, welina aysan jirin astaan malaxaysi ah, waxaa la isticmaalaa daawo qalaljiyayaal ah, kaniini ama kareem, lugtane kor ayaa loo qaadaa, kabaha xirane waa laga fogaadaa, hadduu dhakhtarka ku taliyo qalliin sida caabuq malax leh ama cilladaan oo soo noqnoqto mar waliba waa in ciddida hilibka gashay la jaro, wasakhda ku jirtane laga soo saaro.
Wixii faahfaahin intaa dheer kala tasho dhakhtarkaaga.

Sidee looga hortagi karaa?

Akhriso qoraal ku saabsan waxa cididiifka loo yaqaano: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5746.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5746.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)