Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hawakalif on January 22, 2015, 02:09:08 AM

Title: Su'aal: Murqaha miskaha dabcay maxa keena?
Post by: Hawakalif on January 22, 2015, 02:09:08 AM
Asc  wa mahadsantihin dhamantina  ilaahay ajir ha idiinku siyo
Walalayal  sual ba qaba 
Waxa dhaqtarkeygu igu yiri murqaha miskaha ba ku dabac san
  Marka suasheydo waxay  tahay maxa keeena murqaha miskaha dabcaya age miyaa na 
Keena mise xanun
 Gabar an wax dhalin murqaha jilcan mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Murqaha miskaha dabcay maxa keena?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2015, 05:12:51 PM
Murqaha miskaha ku jira wuxuu eebe ugu tala galay in ay xubnaha ku jirka miskaha ay booskooda ku celiyaan oo dabacsanaan dhicin sida kaadiheysta, minka, ibta kaadida iyo cinjirka futada iyo murqaha farjiga.
Waxay kaloo murqaha ka qeyb qaataan in ay sahlaan soo saaridda uurjiifka xililga foosha iyagoo soo cadaadiya ma kala wareejiya qaabka ugu habboon oo u soo bixi lahaa.

Dabacsanaanta murqaha miskaha waxaa ka timaadaa markuu dhaawac gaaro neerfaha quudiyo oo sii awoodda ay wax ku xajin karaa, waxyaabaha dhaawici karo waxaa ugu horrayso uurka iyo foosha.
Waxaa kaloo dabcin karo haddii qofka lagu sameeyay hadda ka hor qaliin xagga miskaha ah.
Waxaa kaloo dabcin karo in qofka uu dhaawac ka soo gaaro jimicsiga iyo ciyaaraha.

Dhibaatooyinka uu keeno dabacsanaanta murqaha miskaha waxaa ka mid ah kaadida oo ceshan wayso, minka oo soo raaraacsamo, darbiyada farjiga oo kala durqo sida qofka oon ku raaxeysan galmada.

Waxaa arrintaan lagu xallin karaa markii bilaw tahay in  la sameeyo jimicsiga Kegel ee murqo xoojinta miskaha oo halkaan ka daawan karto (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3681.msg11014.html#msg11014), haddii ay wax tari waydo waxaa dhici karto in takhtarkaaga kugula taliyo in qalliin seedaha murqaha lagu giijinayo lagugu sameeyo haddii xaaladaada ay culu tahay.

Fadlan la xiriir tkahtarkaaga isagaa la socdo sida xaaladaada ay tahay iyo xalka kugu habboon.

Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo minka oo soo raaraacsamo ama soo dhaco (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1730.0.html)

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.