Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ruuneey114 on February 11, 2019, 02:03:31 AM

Title: Su'aal: Lugahaa i xanuuno markaan musqusha galo?
Post by: Ruuneey114 on February 11, 2019, 02:03:31 AM
Asc Dr allah ku barakeeyo su.aal ayaam qabaa ilmo yaro 4jir ah yaa markastu oo musqusha galo uu saxaroodo lugaha ayaa xanuuno wuu soo kuf kufaa ama wuuba iska garhuurana asago lugaha ka sheeganaayo lug qaasana masheego 2wadaba waa ixanuunayan ayii dhahaa mudo ayuuna ka sheeganooya wuu is yeel yeela ayaan is laheyn lkn is yeel yeelid uma eko sababto ah waa ilmo waxuu iska yeel yeelayo hadeytahay mar un ayuu iloobi lahaa ayaan isleeyahay Dr hadaa wax cilmi ah uleedahay iga jaahil bixii inaa dhaqtarka geeyo muhiim miyaa maxey saameyn ah kuyeelan kartaa
FG markale kama sheegto lugaha si fcn ayuu usocda una boodbooda ilaa markuu so saxaroodo mahane xanuunkana waqti dheer kuma qaadato xooga kadib ciyaartiisu siiwata aniga walwalaayo kheyr allah kusiiye jawaaba kaa sugaa
Title: Re: Su'aal: Lugahaa i xanuuno markaan musqusha galo?
Post by: SomaliDoc on October 21, 2019, 04:04:02 PM
Hadduu cunuga qabo xanuun murqaha ku dhaca, ha ahaado mid lagu dhasho ama mid ka dhashay fitamiinada iyo macdanta qaar oo jirkiisa ku yar, waxaa dhici kara in jiirashada saxarada ay keento murqo daal khaasatan haddii ay calooshiisu jilcan tahay, ku dadaal inaad saxarada u jilciso kadibne eeg inuu sidaa yeelayo iyo in kale, laakiin waa muhiim mar walba inaad dhakhtar u geysaa si loo baaro.