Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Furqaan on October 06, 2011, 06:13:35 PM

Title: Su'aal: Dhibaato maleeyahay Layzarka Indhaha?
Post by: Furqaan on October 06, 2011, 06:13:35 PM
Asalamu caleykum datoore waadku mahadsan tahay waqtigaaga qaaliga ah ee aad u hurtay shacabka somaliyeed ee xanuunada kala duwan hayaan isla markaana aad si fiican oo tayo leh uga jawaabto su'aalahooda. Datoore waxaan isticmaalaa ookiyaale aragti dheer iyo mid akhrisba waxaan hada sugayaa takhtar ku taqasusay indhaha marka waxaan rabaa inaan layzar isaga dhufto indhaha marka wax dhibaato ah ma'iikenaysaa mustaqbalka maxaad kaloo igu waanin lahayd xagga indhaha, ookiyaalihii ayaa iga hor yimid 2dii sano mar baan bedelaa oo kuwa kale qaataa hadda illaa muddo ku siman 10sano waan isticmaalayey jazaakumulaahu khayran salama caleykum.
Title: Dhibaato maleeyahay Layzarka Indhaha.
Post by: Furqaan on October 06, 2011, 06:53:44 PM
ASCaleykum Ditoore waxaan kaa iloobey indhahayga waxaa laga heley cudurka kataraktiga anigoo yar ayaan qabay laakiin hada markaan imid dibadda ayaan ogaaday markii lay baaray ayaa laga heley kataraktiga marka taas ayaan ku darayaa su'aashaydii jazaakumullaahu khayran salama caleykum.
Title: Re: Su'aal: Dhibaato maleeyahay Layzarka Indhaha?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 07:39:14 PM
Laserku waa iftiin ka samaysan tamar loona adeegsado qalliinka meelaha yaryar oo gacantu gaari karin loona baahanyahay si taxaddar ku jirto loogu qalo sida indhaha o kale.

Qalliinka laserka waa mid dhakhso ah oo xanuun lahayn, waxaana badanaa lagu sameeyaa qolalka bukaan socodka oo qofka uma baahna in isbitaal la jiifiyo waxuuna qaataa 15 daqiiqo ugu badnaan.

Inta aan qalliinka laugug samaynin takhtarku wuxuu ishaada ku dhibcin doonaa daawo taasoo bu'da isha waynaysiineyso iyadoo laga yaabo in aragtida ka dhigto mid cawlan oo isku dardarsan, kadib ayaa laserka lagugu qali doonaa mana ahan iftiin aad arkayso ama dareemi doonto.

Qalliinka ka dib, dadka badankiisa isbadal weyn ayay ku dareemaan daqiiqado ka dib markii daawadii isha lagu shubay ka baxdo, dadka qaarkiis kalane waxay ku qaadataa maalmo inta araggu ka noqonayo mid saafi ah.

maadaama laserku u baahnayn qalliin iyo tolliib toonaba waxaa u laaban doontaa noloshaadii caadiga ahayd  isla markii aad qalliinka ka soo baxdid.

Waxaa takhaatiirta indhaha ku taqassustay isku waafaqsanyihiin in qalliinka laserka uu yahay mid aad amaan u ah oo wax dhibaato ah keensanin.

Qalliinka laserka kaama caawin doono xanuunno kale oo indhaha ku dhaco haddii aad horay u qabtay sida Gulukoomada iyo burbur ku yimid qaybta midabeynta isha.

Halkaan ka akhriso cashar ka hadlaayo kataraktiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1149.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1149.0.html)