Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Waxbaro! on November 13, 2007, 08:03:45 PM

Title: Saliida Kaluunka (Fish Oil)!
Post by: Waxbaro! on November 13, 2007, 08:03:45 PM
(http://images.jupiterimages.com/common/detail/53/87/23468753.jpg)Baaritaano cusub oo la sameeyay ayaa la isku raacay in cuntada ku badantahay saliida nooca lee yaqaano "Omega 3" oo aad ugu badan nooc ka mid ah malaayga (Kaluunka) inay yareyso maskax beelida (dementia).

Cuduro badan oo ku caan baxay maskax beelida sida "Parkinson Disease", "Alzheimar Disease" iyo "Pick's Disease" ayaa waxa ay u noqoneysaa talaabo cusub oo lagu hortagayo inuu cudurkaan sii qalaafto bukaano hor leh.

waxa kaloo salidaan laga helaa khudaarta iyo fruutka, lakin qofkii cunaa kaluun usubuuciiba hal mar waxa ay yareynaysaa qatarta maskax beelida 40%.

Inkastoo saliidaha qaar ay mushkilad sii siyaadineyso sida "Omega 6" oo laga helo ubaxa gabaldayaha.

Saliida "Omega 3" oo kamid ah saliidaha muhiimka u ah jirka biniaadanka ayaa laga helaa "anti-oxidants" oo ka hortagto inuu naawac gaaro unugyada maskaxda.

Waxbaro!