Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ummbishaar on March 31, 2016, 06:02:20 PM

Title: Su'aal: Wuxuu igu dhahay waxaa MINKA kaga yaal nabar?
Post by: Ummbishaar on March 31, 2016, 06:02:20 PM
ASCWRWB salaan ka dib waad ku mahadsan tihiin sida aad noogu faaideysaan!!!!
dhaqtar waxan  u tagay dhaqtarka dumarka wuxuu igu dhahay waxaa MINKA kaga yaal nabar magaciisana waa
[CERVICITIS} wuxuu i soo qoray kaniinyo qalajiye ah iyo 1 cirbad dhiiga saxdo:
dhaqtar  su aashayda waxay tahay nabarkan ma halis baa mana isku badali karaa CANSER?
maxaaase daawo u ah oo aad igula talin laheyd?

Illahay ayaa caafimaadka baxsho caafimaad taam ah ha siiyo inta xanuunsan ee muslimka ah  ALLAHUMA AAMIIN
Title: Re: Su'aal: Wuxuu igu dhahay waxaa MINKA kaga yaal nabar?
Post by: SomaliDoc on April 11, 2016, 01:03:08 PM
Cervicitis ma ahan nabar ee waa caabuq ku dhaca afka minka, hadduu nabar yahay daawo qallajiye laguuma qori laheen, waxaa dhici karto in aadan safiican u fahmin dhakhtarka ama sifiican uusan kuugu sharxin.
Markuu afka minka uu caabuq yeesho wuu gaduutaa wuuna soo bararaa waa laga yaabaa inuu nbar ahaan u ekaado laakiin nabar ma ahan.
Waana meesha ay haweenka qaar ay gubaan taasoo khalad ah dhibaatane u horseedi karto.

Daawada markaa dhameesatid ku laabo dhakhtar oo wixii isbedel ah hala arko, midda kale dheecaan ayaa laga qaadaa afka minka si loo ogaado waxyaabaha kale oo ay noqon karaan.