Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dahir 88 on October 29, 2018, 09:08:27 AM

Title: Su'aal: Finan dabada iiga soo baxay?
Post by: Dahir 88 on October 29, 2018, 09:08:27 AM
Da,deydu waa 40 jir Bishii 4aad badhtankeedii ayaa fin kuusan iga soo baxay dabada dhakhtar ayaan tegey Wuxuu ii direy dhakhtarka kale oo qaliina kiina Wuxuu ii direy inaan scan isa soo mariyo kadib waxaan u keeney jawaabtii scanka waxaa uu ii qorey dawooyin ka dib meeshii waa dilaacdey waan ku noqdey daawo kale ayuu ii qorey waxaanu ii sheegey in aanan u baahney in lagu sameeyo camaliyad,waxaan waydiiyey ma fistula waxaa uu igu yiri maya.meel kale Ayuu hadana iga soo baxay nabarkiina ilaa hada waa qoyaan mana qalalayo dhakhtar adigoo mahadsan bal talo ma iga soo siin kartaa.markaan daawada antipitotica qaadanayaa waxaa jirka iga soo baxaya finan iyo cuncun iyo waliba cadanyo jirku uu i Barbara.ilaa hadana nabada waxaan dareemayaa xanuun saxarada ka dib
 Waad mahadsan tahay dhakhtar waxaan rajaynayaa in aad ii soo talo.
Qoraalada waan wada akhriyey ku saabsan xanuunkan i haya laakiin  dhakhtarka markaan waydiiyey Wuxuu igu yiri waa infection
Title: Re: Su'aal: Finan dabada iiga soo baxay?
Post by: SomaliDoc on March 19, 2019, 09:36:20 PM
Kuus ka soo baxay dabada dhinaceeda, markuu dillaacane qoyaan leh, adigoo daawo antibiotic qaadanayo raysan la', waxaa badanaa keeno xanuunka Fistula, faahfaahinta xanuunkaaga ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5618.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5618.0)

Waxaa lagu xaqiijin karaa baaritaan la dhaho "Fistulogram", laakiin garan maayo inuu isaga yahay baaritaanka uu dhakhtarka kuu diray iyo inuu mid kale yahay.. midda kale hadduu yahay ka soo bax ama baxdin raysan la' waxaad u baahan tahay in dheecaankaas la beero si loo ogaado jeermiska keenayo iyo daawada wax ka tari karto. marka waa muhiim inaad dhakhtar kale la tashato.