Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Feysal on November 11, 2016, 11:59:13 PM

Title: Su'aal: Qaabkee loo daweenkaraa maqalka dhagaha?
Post by: Feysal on November 11, 2016, 11:59:13 PM
Asc doctore adigoo mahad san waxaan rabaa su.ashan inaa iga siiyo talo qery allaha Ku siiyo cawinta aad nacaawineyso su.asha aan Gudo falò will yar oo da.diisu tahay 5 jir laba sano ka hor ayaa jadeeco ku dhacday kadib dhaha ayey xanuun oga reebtay dhanka maqalka dhaqtar waa la geeyay lkn faaiido malahn daawo ayey uso qoreen lkn cunuga ilaahada waa sidi sifiican dhagaha wax oogama maqlo sifiicana Uma karo hadalka wuxuuna joogaa Somalia muqdisho maxaa talo nasiin laheed aan Ku caawin karnaa cunugaas yar ilahaa wax caawiyo lkn dadaalka wuu fiican tahay jasaaka laahu qeyr doctore jawaab aan kaa sugaa insha allah alaha Ku xafido asc wrw
Title: Re: Su'aal: Qaabkee loo daweenkaraa maqalka dhagaha?
Post by: SomaliDoc on November 29, 2016, 03:32:42 PM
Taasi way dhib badan tahay, jadeecada waxay dishaa neerfaha maqalka maamula ee maskaxda, illaa iyo hadda lama garanayo qaab maqalkaas lagu soo celin karo, laakiin fadlan la tasho dhakthar ku taqassusay dhagaha "E.N.T" si maqalka loo cabbiro waa intaas ay cillad kale ay noqotaa.
Wax ka baro cilladaha kale ee keena maqal la'aanta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=417.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=417.0)