Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on December 20, 2012, 09:17:15 AM

Title: Su'aal: Daawada Propranolol ma loo isticmaalaa xanuunka OCD?
Post by: Barkhat on December 20, 2012, 09:17:15 AM
Asc walal waan idin salaamayaa bacda salaan walaal waxaad ii sharaxdaan suaashan.

walal waxaan qabaa xanuunka neerfaha ee Ocd {Obsessive–compulsive disorder}
waxana la ii qori jiray dawooyinka Antidepressants sida tofranil, fluoxitine iyo qaarkaloo badan.

maalin dhowayd ayaan u tegay dhakhtar wuxuu xanuunkaygiina waan u sharaxay ka bacdi wuxuu ii qoray dawadan PROPRANOLOL oo aan u aqaanay in wadna-xanuunka iyo dhiig-karka loo isticmaalo, ka bacdi waan ka baqay oo waxaan is idhi bilaa ay dhiiga ku ridaa ilaa dhiig-kar kuma hayoo dawo dhiig-kar ma isticmaali kartide, mida kale dakhtarka dawada ii qoray muu ahayn soomaali aanu isfahmikarnee wuxuu ahaa dr ajaanib ah oo markiiba dalka wuu iskaga tegay.

markaa waxaan dooonayaa walal in aad ii sharaxdaan dawadan propranolol siday u shaqaysaa ma isticmaali karaa miyay wax i yeelaysaa? waxyaabaha ay qabatana maxaa ka mid ah neerfaha ma wax bay u tartaa?

walaal waad mahadsan tihiin.
Title: Re: Su'aal: Daawada Propranolol ma loo isticmaalaa xanuunka OCD?
Post by: CilmiSabca on December 21, 2012, 09:29:56 PM
Daawadaan propranolol waa daawo dajiye ah, isla markaana lagu daaweeyo wax yaalo ama xanuuno badan, daawada inkasta oo ay maskaxda dajiso, laakiin haddii aad ka aamin baxday isticmaalkeeda, fadlan kala tasho Dhakhtarkaagi hore ee daawooyinka markii hore kuu qori jiray si uu talo kaaga siiyo daawadan cusub. Daawadaan waxay si gaar ah u joojisaa cabsida iyo qal qalka gaar ahaan marka hawlo qatar ah lagu gudo jiro sida markuu Dhakhtar sameynayo Qalliin IWM. si kasta ha ahaatee Jawaabta saxda ah waxaynu ka wada sugeynaa SomaliDoc. Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Daawada Propranolol ma loo isticmaalaa xanuunka OCD?
Post by: Abdulrazzak on December 22, 2012, 01:09:04 AM
propranol  tab  precaution ku tahay asthma qofka qabo, neef mareenka hawda, so daawadaas qaadan . for you case .  use perivous medication becoz your OCD, OCD patient cannt take any drug unless yourdoctor kuu qore.

Title: Re: Su'aal: Daawada Propranolol ma loo isticmaalaa xanuunka OCD?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2013, 10:17:26 PM
Daawada Propranolol waa loo qori karaa qofkii qaba cudurka OCD, waxayna ka caawinaysaa in qofka ay dajiso, hadduu welwel jirane ay joojiso.
Dadka OCD qaba qaar, daawada propranolol way ku dareemaan daganaan iyo in culeys badan ka dago.