Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xanaan on February 17, 2011, 02:39:15 PM

Title: CUNCUNka Xubnaha Taranka Gala
Post by: Xanaan on February 17, 2011, 02:39:15 PM
Assalaamu Calaykum!

Salaan kadib waxaan u mahad celinayaa dhaqaatiirta isku howley in ay dadkooda ka caawiyaan dhanka caafimaadka.

Waxaan rabaa in aad igala soo talisaan xanuun aan dhowaanahaan aan isku arkey oo ah, cun cun  xubinta taranka ee dumarka iga haya. waxaan isku arkaa nabaro yar yar oo furuurux ah aadna u cun cun badan oo iiga soo baxa afka hore ee xubinta taranka ilaa gudaha iyo dhanka cervix-ka afkiisa. nabraha yar yari waa ay adagyihiin marka la taabto sidoo kalena waxaan isku arkaa dhacaan ur xun ah leh. sidoo kale waxaan dareemayaa in uu uu bararsan yahay afka hore ee Ilmagaleenka. kaadiduna weey i gubtaa ooo ma celin karo.

waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado xanuunkaan i haya magac ma leeyahay ? hadii uu leeyahay maxaa la yiraahdaa?

Title: Re: CUNCUNka Xubnaha Taranka Gala
Post by: SomaliDoc on February 18, 2011, 09:01:35 PM
Nabro adag oo ka soo baxa minka afkiisa waxaa keeni karo cudurro dhowr ah laakiin maadaama cudurradaas ay ka mid tahay kaankarada ku dhacda luqunta minka "Cervix" waxaa haweenka ka cabanaya nabraha noocaan lagula taliyaa in ay la xiriiraan takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan si baaritaan loogu sameeyo loona hubiyo in nabraha aysan ahayn kuwii kaankarada ahaa.

Baaritaanka la samaynayo ayaa loo yaqaannaa "Colposcopy" waa baaritaan la sameeyo si loo hubiyo unugyada aan caadiga ahayn
ee xubintaada iyo afka ilmo galeenka. Takhtarku wuxuu isticmaalayaa aalad weyneyso ah si uu u hubiyo unug aan caadi ahayn ee cawrada iyo afka ilmo galeenka. cad unug oo yar ayaa laga yaabaa in lagaa soo saaro si shaybaarka loogu soo hubiyo.

Baaritaannada kale ayaa ka mid ah Dheeh Marinta Pap "Pap Smear" oo ah waxaa loo sameeyaa si loo hubiyo cudurrada cawrada, afka ilma-galeenka, ilma-galeenka, iyo ugxansideyaasha. Dheeh marinta pap waa baaritaan hubinaya is-beddello ku yimid afka ilmagaleenka, kaasoo laga yaabo in uu yahay calaamad hore ee kansar.

Nabrahaas waxay kaloo noqon karaan Fiix "Cervical Polyp" ama Honqor "Genital Warts" laakiin waxaa lagu kala ogaan karaa cudurradaan baarista aan kor ku soo xusay.

Waxaa kaloo laga yaabaa in ay la socdaan infekshan taasoo sida aad ka cabanaysaba ay kaadida ku gubto iyo dheecaan ur badan oo kaa yimaada.

TALO: La xiriir takhtar aqoon u leh cudurrada haweenka sida ugu dhakhsiyaha badan.