Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Doctoor on November 14, 2007, 12:30:34 AM

Title: Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"
Post by: Doctoor on November 14, 2007, 12:30:34 AM
carabta ayaa waxa ay ku maahmaahdaa [ qolo masiibo ku dhacday waxa ay faa'iido u tahay qolo kale ], markii uu cudurkaan soo if baxay waxaa si fiicaan faa'iido uga helay dadkii masaakiinta ahaa oo helibkii aad iyo aad ugu raqiisay maxaa yeelay cudurkan waxaa lala xiriiriyay xayawaanaatkii hilibkooda la cuni jiray sida lo'dii iyo arigii, taasoo keentay in laga hijroodo kawaanadii hilibka, xattaa waxa ay arintu gaartay in caanihii laga fogaado. waxaa la yaab badan in dhinaca kale uu kaluunkii aad iyo aad u qaaliyoobay iyo caanaboorihii. marka waxaan dhihi karnaa faa'iido ayaa laga helay "Rifty Vally"
mahadsanidiin.