Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on December 02, 2016, 12:08:53 PM

Title: Cabidda Shaaha badan ma laga qaadaa dhiigyari?
Post by: SomaliDoc on December 02, 2016, 12:08:53 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shaahdhiig.png)

Bismillah,

Soomaali badan ayaa aaminsan in shaaha laga qaado dhiig yari, qaar kalane waxay aaminsan tahay in shaaha uu dhiigga kordhiyo, sidaas darteed, waxaan qoraalkaan ugu kala gar qaadaynaa labadaas koox.

Shaaha, koffeyga iyo cabitaanka shukulaatada (kookaha) intaba waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano "Polyphenols", maadadaan waxay hoos u dhigtaa macdanta birta ee laga helo cunnada.

Sidaas awgeed waa in aadan shaaha, kaffeyga iyo cabitaanka shukulaatada aadan cabin xilliga cunnada, haddii aad cabayso waa in ugu yaraan ay hal saacad ka soo wareegataa.

Haddii ay caado kuu tahay in shaaha aad cunnad ku cabtid ama isla markibia aad ka daba cabtid waxaa hoos u dhaca maadada birta ee dhiigga laga sameeyo maadaama jirka uusan ka faa'idaysan karin birta ku jirta cunnada aad cuntay, taasina waxay keentaa dhiigyarida loo yaqaano "Iron Deficiency Anemia" oo laga wado dhiigyarida ka dhalatay bir la'aanta.

Caruurta yaryar iyo hooyooyinka uurka leh ayaa ugu baahi badan macdanta birta sidaas awgeed waa inay ka fogaadaan cabista shaaha xilliga cunnada.

Laakiin haddii aadan cunno ku cabaynin, shaaha kaligiis  oo la cabo ma keeno dhiigyari, sida aan horay uga soo hadalnayba wuxuu leeyahay faa'iidooyin caafimaad oo aad ka daalcan kartid halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4270.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4270.0.html)

Akhriso Sababta Liinta loogu darsado Shaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6520.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6520.0)
Akhriso Faa'idooynka Shaaha Cagaaran: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6210.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6210.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)