Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 30, 2016, 11:22:43 AM

Title: Isbandhayska Iyo Caafimaadka (Cilmibaaris!)
Post by: SomaliDoc on November 30, 2016, 11:22:43 AM
(http://somalidoc.com/Topics/Isbandhay.png)

Bismillah

Maanta waxaan ka hadlaynaa geedka loo yaqaanno "Isbandhays", waa miro cabbir ahaan la eg ukunta ama geedka saytuunka sida ka muuqdo sawirka kore, waa miro dhanaan oo badanaa laga isticmaalo koonfurta soomaaliya.

Isbandhays-ka waxaa laga isticmaalaa wadamo kooban gaar ahaan wadamada laatiin ameerika, qaar ka mid ah wadamada aasiyada fog iyo wadamo fara ku tiris ah oo qaaradda Afrika ku yaallo, cunno iyo cabitaan ahaanba waa loo adeegsadaa, saladkane waa lagu jarjartaa inta qolofta sare laga fiiqo, lafta gudaha ku jirtane laga tuuro.

Mirahaan wuxuu leeyahay faa'iidooyin nafaqeed markii cilmibaaris lagu sameeyay:

Isbandhayska wuxuu hoos u dhigaa lallabada xilliga uurka, wuxuuna u roon yahay wallaca sadax sababood dartood: dhanankiisa, fitamiinka B6 oo lallabada ka hortago iyo hoos u dhigista aashitada caloosha oo ka qeyb qaadato laabjeexa iyo matagga.
Sidaas darteed, hooyooyinka uurka leh way u adeegsan karaan inay ku joojiyaan lallabada xilliga wallaca laakiin wa in aysan cusbo ku cunin, sababtoo ah cusbada badan caafimaadka uma roona khaasatan xilliga uurka.

Akhriso "Siyaabo Kale oo Wallaca Ku Yarayn Kartid": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=200.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=200.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)