Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wadani dhab ah on October 10, 2016, 10:05:37 PM

Title: Su'aal: Boomaatada Gudniinka?
Post by: Wadani dhab ah on October 10, 2016, 10:05:37 PM
Asc walalaha somalidoc  iyo akhyaarta kaleba salaaanta islaamka kadib , wallaalo yaal waxan rabay in aan idin waydiiyo suaal ah  ma jirtaaa Boomaato ama Cream loo isticmaalo habeenka aqalgalka gabdhaha Gudan yacni  si looga maarmo in dhakhtar la tago ? Haday jirto boomatadaas jilcinaysa ama furi karta Xubinta marwada magaceeda maxaa la yiraahdaaa? Sideese lagu helo karaa ?
Aad baad u mahaddsantiin.
Asc wrt wbt
Title: Re: Su'aal: Boomaatada Gudniinka?
Post by: SomaliDoc on October 26, 2016, 06:03:02 PM
Kareemka loo isticmaalo gabdhaha ka cabanayo dhibaatada gudniinka fircooniga waxaa loo yaqaanaa "Anesthetic Cream" ama "Numbing Cream" taasoo macnaheeda ah kareemkii kabuubyada u yeelaysay xubinta taranka iyo xuubka bikrada, tan waxay meesha ka dhigaysaa dareen la'aan maadaama gabadha qabto gudniinka fircooniga ay la kulmi karto xanuun siyaado ah xilliga jimaaca.

Ma dareemi doontid xanuun marka ay howshu socoto, kadibn dareenkaaga wuu soo laaban doonaa saacado ka dib, wixii ka dambeeyo in aadan xanuun dareemin ayaa suuragal ah oo ay meeshii furanto inkastoo ay ku xiran tahay gudniinkaaaga heerka uu ahaa, way jiraan gabdho ay qasab tahay in dhakhtar la kulmaan si qalliin furis loogu sameeyo oo kareem kaliya xal uusan u ehayn, ka baro qoraalkaan noocyada gudniinka fircooniga iyo sida ay u kala daran yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0)