Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed Cali on October 13, 2016, 05:22:06 PM

Title: Su'aal: Ibta naaskooda laga sii daayo biyo ama caano?
Post by: Ahmed Cali on October 13, 2016, 05:22:06 PM
Asc marka hore wan idin slamay dhaman dictoorada noo fudeeyay pagekan. Wana idin mahad celinaya wll. Hadi an suashayda cafimad an guda galo wa ( waxa jirta caruurtu marka ay yar yaryhiin gaar ahan wiilasha waxa dhacda in ibta naaskooda laga sii daayo biyo ama caano wax ay tahay garan maye.  Hadaba aniga waxan ahay nin wayn o ila 27 jir ah waxana ibta naasaha igaga jira buur buur ama waxd moodo muruq, hadan taabtona way i xunuunta. Dadka qaarkii waxay dhahan markad yareed bay hooyada caanaha ka sii dayn. Runti aadna wn ula yaaba. Dadka qaarkiina waxay dhahan cafimad daro ayay keeni karta?   Marka dictoore waxan raba inad talo cafimad iga siiso. Hadii dadka siday sheegayan e ay leeyhiin biyo aya kaga jira ay run tahay hada waxa ma laga qaban kara o ma la sii dayn kara?  Hadaysan run ahayna muxu noqon kara waxasi?  Khatar cafimadse ma leeyahay dictoore?  Dictoore jwb ayan kaa sugaya inshalah wadna mahadsntahay
Title: Re: Su'aal: Ibta naaskooda laga sii daayo biyo ama caano?
Post by: SomaliDoc on October 26, 2016, 11:11:46 AM
(http://somalidoc.com/Topics/naascaruur.png)

Bismillah,

Marka hore, caanaha lagu arko naasaha caruurta yaryar waa arrin dabiici ah, wiil iyo gabadh ma kala lahan, labaduba waa lagu arkaa. Mana ahan wax laga welwelo, daawane looma qaato.

Sababta caanahaan loo arko waxay xiriir la leedahay hormones-ka hooyada uu ka qaatay cunuga inta uusan dhalan iyo hormona-da loo yaqaano "Prolactin" iyo "Growth hormone" waxay caruurta hooyada u marsiin kartaa naas nuujinta, waana hormones kobcin kara qanjirrada naasaha ku yaallo, sidaas ayayna caanaha ku yimaadaan, naasaha caruurtane ugu ekaadaan kuwa bararan.
Booqo link-gaan si aad u baratid waxa laga wado "Hormone:" http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=864.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=864.0)

Caanaha naasaha ka yimaado waa arrin lagu arko caruurta badankeed, boqolkiiba 10% way sii yeelan karaan caanaha muddo 2 bilood illaa 3 bilood, inkastoo kuusaska yaryar ee naasaha ku samaysmo ay sii jiri karaan sanadaha ugu horeeyo caruurnimada.

Caanaha waxaa lagu arkaa kaliya caruurta ay hooyadood bilo dhamaysato, laguma arko caruurta dhiciska ah ama iyagoo bilo dhamaysan dhasho.

Caanahaan waxay la mid yihiin caanaha hooyada, wax isbadal wayn uma dhaxeeyo waxa ay ka kooban yihiin markii baaritaan lagu sameeyay, caanahaan wax caafimaad darro ah ma keenaan.

Dadka qaar ayaa aaminsan in qasab ay tahay in naasaha laga tuujiyo caanaha, haddii kale in ay ku hallaabayaan ama uu ku xanuunsanayo cunuga, taasi waa khuraafaat, tuujinta laftirkeeda ayaa dhici karta inay dhaawac gaarsiiso qanjirrada yaryar ee naasaha, taasoo keeni karto xanuun badan iyo barar.

Fadlan waa muhiim in aadan caanaha ka sii daynin caruurtaada yaryar.

Qeybta kale ee su'aashaada: waxa ka kuusan naasahaaga waxay noqon karaa qanjirrada naasaha ee loo yaqaano "mammary glands" wax xiriir ahne kuma lahan caano lagaa sii deyn waayay adigoo yar ee waa arrin dhacda, waxayna xiriir la lahaan kartaa heerarka hormoonadaada hadduu khalal ku yimaado ama haddii hadda ka hor dhaawac kaa gaaray xaniinyaha, mararka qaar si dabiici ah ayay u dhacdaa wayna iska baaba'daa, wax xanuun ahne ma keento, kansarne iskuma badasho.
Haddii aad dareentid in ay naasaha ay ku bararayaan, la xiriir dhakhtar si loo baaro naasahaaga. Akhriso qoraal aan hadda ka hor kaga hadlay cudurka naasaha ragga barariyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5855.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5855.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)