Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ifraax on May 29, 2009, 03:23:48 PM

Title: Su'aal: Maxaa keeno dhuusada badan?
Post by: Ifraax on May 29, 2009, 03:23:48 PM
asc walalayaan waxaan rabaa in aada iga kaalmeesan su ashaan waxaan isku arkayaa in muda 5 bilood ah dhuuso bara badan taas oo an umalenayay in ey tahay wax aan cuno bal marka aan u kuurgalay eesan aheen wax aan cunee ee an umaleyay dhanka caloosha maxaa yeelay caloosheeda mar mar qaar wey qelineysaa xataa hadii oo qof i ag fadhiyo wuu maqli karaa mid kalena saxaradeda marna weey adagtahay marna waa jilee lakin waxaan garan lahay ilaa hada sida caloosheeda u aryo badantahay fadlan iga soo jawaba su ashan sida oogu dhaqsida badan oo ad u awoodan thanks
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno dhuusada badan?
Post by: SomaliDoc on May 29, 2009, 09:03:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhuuso.png)

Dhuusada waa wax si dabiici ah u yimaada iyadoo aanan cudur tilmaamin, laakiin waxay noqon kartaa mid xad ka bax ah oo qofka u keeni karta walwal iyo yaxyax khaas ahaan markuu la joogo dad.

Dadku way ku kala duwan yihiin inta jeer ay dhusuaan maalintii, ma jirto tiro go'an oo la rabo qofka in aysan dhuusadiisa ka yaraato ama ka badato.

Maxaa keeno dhuusada caadiga ah?
Qofka markuu laqayo biyaha, cunanda ama calyada waxaa badanaa soo raaca hawo, hawadaas waxay ku aruurtaa caloosha iyo mindhicirrada, markay caloosha cunanda shiidaysane waxay samaysaa hawo.
Hawadaas ku timid labada siba waxuu jirka u baahan yahay in uu iska saaro, sidaas ayayna dhusuada ku timaadaa.
In qofka uu dhuuso waa caafimaad.

Marmarka qaar waxaa dhacda in aadan dareemin dhuuso in ay kaa timid, maadaama ay aad u yaraan karto oo aysan cod samaynaynin, wax urne aysan lahayn.
Qasab ma ahan in dhuusadu aysan urin, dhuusooyinka qaar way uri karaan haddii ay ka dhasheen cunanda aad cuntay in ay ku jiraan wax dhuusada uriyo sida maadada "sulphur-ka"

Dhuusada badan maxaa keeno?
Dhuusada badan waxay ka timaadaa dhowr xaaladood oo kala ah:
Akhriso qoraal ku saabsan cudurka Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan mindhicirrada kacsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html)

Goorma ayay muhiim tahay in aad aragto dhakhtar?
Inkastoo aysan jirin tiro la isku ogyahay oo haddii ay dhuusada ka badato ay muhiim tahay in aad dhakhtar aragtid laakiin haddii aad isku aragtid waxyaabahaan soo socdo dhakhtar la xiriir:

Dhuusada maxaa lagu yareeyaa?
Haddii aysan dhuusadaadu badan tahay, wax calaamado kale oo xanuuna aadan lahayn, waxaad samayn kartaa talaabooyinkaan soo socdo si aad u yarayso:

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aal aad qabtid iigu soo dir halkaan:

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)