Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Drkheyre on June 26, 2011, 12:23:40 AM

Title: Deeq la gaarsiiyay Cisbitalka Martiini
Post by: Drkheyre on June 26, 2011, 12:23:40 AM
Deeq la gaarsiiyay Cisbitalka Martiini

Deeq ay iska soo ururiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareeykanka ayaa maanta la gaarsiiyay Cisbitalka Martiini ee Muqdisho.

Sahro Maxamed Axmed oo ah gabadha ay u soo wakiisheen Jaaliyada ku nool Minisoto iney gaarsiiso Cisbitaalada magaalada Muqdsiho  deeq ay ugu talagaleen ayaa waxey maanta gaarsiisay Cisbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo isugu jirtay qalab caafimaad iyo dhar kana timid jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo ururka Somcare oo iyaguna dhalinyaro is abaabushay oo ku dhaqan gobolka Minosoto ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay isbitaalka Martini.

Ugu horeyn Sahro Maxamed Axmed oo ah gabadha loo wakiishay deeqda ayaa  ka warbixasay inta ay ka koobantahay deeqda, iyadoona ku wareejisay Aadan Xuseen Caddoow oo ka mid ah oo ka mid ah howlwadeennada Cisbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Aadan Xuseen Cadoow oo deeqdaan u guddoomay Cisbitaalka Martiina ayaa ka mahad celiyay deeqdan ay soo dhiibeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku dhaqan  Minosoto,  isagoo sidoo kale ka codsaday dadka kale ee wax heysta iney qalavb la soo gaaraan Cisbitaalka Martini oo ay ku jiraan dhaawacyada ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Deeqdan ayaaqeyb ka ah dadaalada ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ay ku gacan siinayaan walaalahooda dhibaateysan ee ku jira Cisbitaallada Muqdisho.