Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Koos axmed on May 08, 2016, 06:34:27 AM

Title: Su'aal: Congenital Dislocation of the Hip?
Post by: Koos axmed on May 08, 2016, 06:34:27 AM
Asc, walaal waan kaaga macad celinayaa sida wanaagsan eed nooga caawisid arrimaha caafimaadka, waxaa jira wiil 1sano jira oon dhalay wali masoconin waxaan  kashakiyay amay lugihiisa dhib qabaan marka xanuunkii aad kasheekaysay maalin dhawayd ee Congenital Dislocation of the Hip sideen kudareemi karaa inuu qabo & in kale wuu garguurtaa darbigana wuu ku istaagaa lkn socod ma ogolo xataa daadaah hadaad dhahdo dhulkuu isku dhajinaa marka walaal arintaas talo in layga siiyo ayaan rabaa. Jazaakumullaah khayr.
Title: Re: Su'aal: Congenital Dislocation of the Hip?
Post by: SomaliDoc on May 27, 2016, 09:36:51 PM
Waa in aad dhakhtar lafaha u geysaa isagaa wiisiteyn doona oo kuu sheegi doona inuu xanuun jiro iyo nooca uu yahay.
Ilmaha mala nuujiyay mise lama nuujin waa su'aal muhiim ah? Ilmaha ma dhul qabow ayay ku nool yihiin oo qorax ma arkaan?