Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: guuleed1 on December 27, 2018, 04:48:19 PM

Title: Su'aal: Madax culays markaan ka soo kaco?
Post by: guuleed1 on December 27, 2018, 04:48:19 PM
asalamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu

salaan ka dib ditoore habeenkii markaan seexdo waxaan subaxdii soo kacaa aniga oo madaxa culays iga saaranyahay waxaana ahay nin xagga maqalkana dhega culus maqalkuna waa sii yaraada subaxdii marka digtoore maxaa sababi kara maxaase igula talinlahayd
mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Madax culays markaan ka soo kaco?
Post by: SomaliDoc on May 05, 2019, 11:51:10 AM
Inaad soo kacdid madaxa oo culeys kaa saaran yahay ama ku xanuunayo waxaa dhici kara inaad cabburantay oo qolka aad jiiftay inuu oksajiinta ku yar tahay, sidoo kale qofka markuu soo kaco wuxuu dareemaa afka iyo dhuunta oo qallalan, sanka oo cabburan, dhagaha oo shib ah iyo madaxa oo culeys ah saaran, isku day inaad badashid meesha aad jiifatid oo meel hawo fiican leh jiifo, haddii cilladaasi weli isku sii aragtid dhakhtar la xiriir si laguu baaro.