Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on January 06, 2019, 07:23:11 PM

Title: Su'aal: Dhegaha oo kuleel iyo gaduud noqdo?
Post by: Ahmed_Carab on January 06, 2019, 07:23:11 PM
Asc.. salaan ka bacdi, waxaan rabaa in su'aashaan leyga jawaabo:

Waxaan isku arkay in dhagaheyga heer kulkooda ay zaa'id noqonaayaan ayadoo kulka jirka intiisa kale ay caadi iska yihiin, welibana xiliga lagu jiro waa xilli qabow saa ay tahayna dhagaha ayaa kulkooda zaa'id noqda, welibana guduud ayay i noqonaayaan. Marka maxaa sababi kara iney dhagaha saa i noqdaan!?
Title: Re: Su'aal: Dhegaha oo kuleel iyo gaduud noqdo?
Post by: SomaliDoc on June 09, 2019, 12:49:56 PM
Qaboobaha wuxuu yareeyaa qulqulka dhiigga ee maqaarka kore, kadibne markuu dhiigga soo gaarayo dhegaha ay yaraadaan way gaduutaan taasoo loo yaqaano "Flushing", kadibne kuleel iyo hambab ayaa laga dareemaa. waa cillad lagu arko dadka badanaa dhulalka qabawga ku nool waxaana lagula taliyaa inay xirtaan koofiyad illaa dhegaha daboolayso.