Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Qaliinka => Topic started by: SomaliDoc on July 07, 2009, 11:56:56 PM

Title: Dhibaatooyinka borastayt-ka (Prostate problems)
Post by: SomaliDoc on July 07, 2009, 11:56:56 PM
Macluumaadkaani wuxuu ka jawaabayaa su'aallaha caamka ah ee ku saabsan borastaytka (Prostate) kansarka. Dad badan ayaa in ogaanta jirradoodu ay ka caawi kartaa maaraynta iyo caawimida. Tani ma bedelayso inaad la hadasho dhakhtarkaaga am kalkaalisada caafimaadka. Fadlan u isticmaal tuse ahaan su'aallaha aad rabto inaad weydiiso.

Waa maxay borastayt?
Borastayt waa qanjir la xirira galmada oo laga hello ragga. Qofka weyn oo lab qanjirku wuxuu le'ekaanayaa qiyaasta iniinta miraha. Wuxuu ku yaallaa kaadi haysta hoosteeda, salka guska wuxuuna waxyar ka horeeyee saxara-mareenka (malawadka).
Wuxuu sameeyaa qaar ka mid ah dareere ku jira shahwada.
Borastaytku wuxuu leeyahay god dhuuban oo dhexda ku yaalla. Tuubada (kaadimareenka) faaruqisa kaadida oo ka timaada kaadi haysta ayaa marta gudkaan markay ku socoto dhamaadka guska.

Sidee ku ogaanayaa inaan qabo borastayt?
Raggu, markay sii weynaadaanba (wixii ka weyn konton), waxay yeellan doonaan dhibaatooyin la xiriira borastaytka.
Waxaad dhibaato kala kulmaysaa kaadinta. Waxaa laga yaabaa inaad yeellato dhamaan ama qaar ka mid ah isbedeladaan:
# Inaad ku dhibaatooto bilaabida kaadinta, khaasatan markaad degdegsan tahay.
# Inaad ku dhibaatooto joojinta kaadida.
# Inay kugu qaadato waqti inaad kaadido, sababtoo ah kaadi marenka ayaa daciifa, ama marna waa istaagaysa marna waa bilaabmaysaa kaadidu.
# Kaadida ayaa da'aysa markaad dhamayso kaadida ka dib.
# Aadida musqusha oo badan maalinimada, in kastoo aanay jirin kaadi badan oo samaysmaysa.
# Habeenkii oo aad kacdo si aad u kaadidu, halka aad iska seexan jirtay. Taas ayaa kaa dhigaysa qof daalan oo aan caadi ahayn.
# Adoo mar walba raba inaad degdeg u gasho musqusha ama u kaadido.
# Dareemida in aadan weli kaadidii dhamayn, in kastoo aan waxba kaa soo baxayn.
# Kulayl ama xanuun ay kugu qabanayso kaadidu markaad kaadinayso.
# Marmarka qaarkood, dhiig ayaa ku jira kaadida.
Arrintaan waa in mar walba dhakhtar eegaa. Haddii aad qabto dhibaatooyinkaan kuwa ka mid ah, arag dhakhtarkaaga. Ha u qaadan inay qayb ka yihiin gabowga—daawaynta saxda ah ayaa ku caawimi karta.

Maxaa dhaliya dhibaatada?
Boqolkiiba 90 dhibaatooyinka borastaytku markay dhacaan waxaa leh borastaytka isaga ayaana ballaarta kaas oo riixa kaadi-mareenka. Midaan waxaa loogu yeeraa Benign Prostatic Hyperplasia ama BPH waxaa keena isbedel ku dhacay hoormoonka borastaytka.
Tani waxay wax yeeshaa qiyaas ahaan boqolkiiba 50 ragga ka weyn konton mana aha kansar.
Mararka qaarkod bararka borastaytka waxaa dhalin kara infakshan loogu yeero prostatitis ama caabuq ku dhaca borastaytka, kaas oo la mid ah BPH laakiin wuxuu u badan yahay dadka dhalinta yar.
Xassuuso—dhibaatooyinka borastaytku maaha kansar, badankoodna waa la daaweyn karaa.

Maxaa dhakhtarku samayn doonaa?
Ugu horayn, dhakhtarku wuxuu u baahan yahay inuu hello waxa sababta u ah dhibta. Baaritaanada la sameeyana waxaa ka mid ah:
Digital rectal examination (baaritaan qofka malawadka lagaga samaynayo)
Dhakhtarku wuxuu gelinayaa far galoof ku jiro saxaramareenkaaga (malawadka) si uu u dareemo inta uu le'eg yahay, qaabka iyo sida uu u adag yahay ama u jilicsan yahay borastaytku.
Prostate specific antigen test (PSA)
Kani waa dhiig laga qaado qofka si loo eego waxaa loogu yeero PSA, kaas oo uu sameeyo borastaytku. Haddii dhiigu aad u sarreeyo, waxaa laga yaabaa inaad qabto borastayt kansar—laakiin dhakhtarku wuxuu samayn doonaa baaritaano badan si uu u xaqiijiyo.
Biopsy (cad lagaa gooyo si loo baaro)
Haddii baaritaankaaga PSA-gu uu yahay mid aan caadi ahayn (digital rectal examination), waxaa laga yaabaa in dhakhtarku kuu xawilo qof ku takhasusay qaybtaan (urologist). Dhakhtarkaan takhasuska ahi wuxuu soo jeedin doonaa in cad lagaa gooyo, waxaana la gelinayaa malawadka si loo hello meello aan caadi ahayn oo k amid ah borastaytka. Sambalada (badanaa lix ama ka badan) oo ka mid ah borastaytka ayaa loo diraa sheybaar si baaritaan siyaada ah loogu sameeyo.
Badanaa qofka lama suuxiyo marka la samaynayo hawshaan. Dhakhtarka ayaa kula socodsiin doonaa arrintaan. Cad-goyntu waa sida ugu saxsan oo lagu sheegi karo haddii aad qabto kansarka borastaytka.
Cad goyntu waxay muujisaa hadday u baahan tahay daawayn, xawliga kororka ee kansarku ku socdo iyo ilaa inta kansarku fiday.

Waa maxay daawaynta dhibta borastaytka iyo borastayt kansarku?
Tani waxay ku xiran tahay waxa dhibtaadu tahay iyo siday u liidato. Dhakhtarkaag ayaa dooran doona habka ugu fiican oo wax loo qaban karo. Haddii borastaytkaagu aad u weyn yahay taas macneheedu maaha inaad qabto borastayt kansar.

BPH (Ballaarashada Borastayt-ka
Tan waxaa lagu dawayn karaa daawo ama qaliin.
Daawooyinku waxay bedeli karaan heerka hoormoonka, ama waxay debcin karaan ama shuuqin karaa borastaytka si aanu u cadaadin tuubada kaadida ama kaadi mareenka.
Waxaa laga yaabaa inaad daawadaas wado dhowr bilood ka hor inta xaalladaadu aanay ka soo rayn. Waxaad u baahan doontaa inaad qaadato daawada ilaa astaamaha la xakamayn karo, dhakhtarkaaguna joogto kuula socdo.
Qaliin ayaa laga yaabaa in la isticmaalo si loo gooyo qayb borastaytka ka mid ah, si loo joojiyo inay riixdo kaadi mareenka. Waxaa laga yaabaa in la adeegsado Laser iyo microwave si loo daweeyo.

Prostatitis (caabuqa borastaytka)
Kan badanaa waxaa lagu daweeyaa antibaayootikis.
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad qaadato antibaayootikis bila badan. Ragga qaarkiis ayaa laga yaabaa inay u baahan yihiin qaliin si ay u joojiyaan bararka borastaytka ee riixya kaadimareenka.

Kansarka borastaytka (Prostate cancer)
Mararka qaarkood kansarku daaweyn uma baahna.
Dhakhtarka ayaa looga baahan yahay inuu si taxadaran oo joogto ah ula socdo una sameeyo baaritaano, daaweyn ayaa lagu talin karaa waqti dambe haddii kansarku bilaabo inuu koro.
Daaweyntu waxay ku xiran tahay inta kansarku fiday, da'daada, iyo sidaad caafimaad u qabto. Haddii aan kansarku fidin, waxaa laga yaabaa in qaliin lagugu sameeyo si kansarka loo gooyo. Ragga qaarkiisa ayaa qaata radiotherapy ama brachytherapy (radiotherapy gudaha ah). Haddii kansarku fiday, waxaa laga yaabaa in hoormoonka la daaweeyo si loo joojiyo kansarka ama la caawimo si xawliga uu ku socda u yaraado.
Waxaa laga yaabaa inaad raadiso aragti labaad ka hor inta aadan go'aansan nooca daaweynta ah oo kugu fiican.

Ma jiraan caqabado hor taagan daaweynta?
Qaliinka ama radiotherapy-ga borastaytka kansarku waxay yeellan karaan saddex caqabadood oo waaweyn.
# Ragga qaarkiis kacsiga ayaa ka guura (ma haweystaan dumarka). Tan waxaa sabab u ah neerfayaasha keena kacsiga ayaa dhexmara borastaytka. Xaalladaha qaarkood, waa wax aan dhici karin in aan dhaawac soo gaarin neerfayaashaan kansarku halka uu ku yaal dartiis.
# Qaliinka ka dib, rag qaarkiis ayaa lumiya kantaroolida kaadida (waxay noqdaan kuwa aan kaadida ceshan karin) dhaawaca soo gaara muruqyada borastaytka darteed.
# Ku daaweynta Radiotherapy-ga ayaa wax yeesha malawadka. Taas macneheedu wuxuu noqon karaa waxaa iman kara shuban waqtiga daweynta ama dhaawac soo gaara malawadka oo u baahan daaweyn.
Waxaa jirta caawimo loo helli karo dhibaatooyinkaas daaweynta. Dhakhtarkaaga la hadal inta aadan go'aan samayn.

Ma u baahnahay in aan sameeyo hubin ama baaritaan xataa haddii aanan calaamadaha lahayn?
Inaad hesho talo fiican wixii ku saabsan baarida borastaytka waa wax aad u fiican haddii aad ka fekerayso in aad is baarto.
Hadda dhowr sano, waxaa jiray dooda badan oo ku saabsan arrinta baarida borastayt kansarka. Dadka qaarkiis waxay aaminsan yihiin dhamaan ragga jira da' mucayina waa in joogto loo baaraa. Qaar kalese waxay aaminsan yihiin waa inay ahaataa wax qofka u gaara taas oo ku salaysan rabitaankiisa.
Aragtidayadu waa nin walbaa waa inuu hellaa dhamaan macluumaadka ay u baahan yihiin oo ku saabsan baaritaanka.
Hadda, uma doodayno baaritaan joogto ah oo borastayt kansarka, sababtoo ah ma jirto waqtigaan caddayn taas oo sheegaysa inay ninka ka difaacdo in aanu u dhiman borastaytka kansarka. Mana jiro, sidaas oo kale, baaritaan sheegaya in aanu waxtar ahayn, sidaas darteed in aadan samayn baaritaan kugula talin mayno. Waxaa jira baaritaan socda oo laga yaabo inuu ka jawaabo su'aashaan.
Waa go'aan ay tahay inaad adigu samayso adoo maskaxdaada la kaashanaya. Waxa keliya oo aan soo jeedinaynaa waa inaad hesho macluumaadka ugu fiican.

Macluumaad intaas ka badan halkaan ayaa ka weydiin kartaa
SomaliDoc