Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qawdhan on May 14, 2013, 12:07:59 PM

Title: Su'aal: Waxan muddo dareemayeey feeraha dushooda xanto xanto yar?
Post by: Qawdhan on May 14, 2013, 12:07:59 PM
dhamman dhakhatiirta iyo dadweeynaha ku xidhan mareegtan waxan ku salamaya salanta islamka.
waxan doonaya in la iga siiyo warbixin calamadan aan isku arkay 2weeks.
waxan far yarada iyo farta ku xigta ee lugta midig tusheeda ku arkay xanxanto yar oo cidida ilaa faraha dushooda ku dhan oo aad moodeysid in qudhanjo yari ay ku dulmarayso mana aha joogto ee waa dhawrkii minidba mar, malihi wax nabar ah oo ku dhacay ama dhawac ay qabaan xata in dheecan ku jiro ayaan ka baadhay waxa aay qabta oo ka muuqda majiro way fayoow yihiin.
markaas waxa iga so jahil sartaan haddii u yahay cudur kuso socda oo aan ka hortago ama waxa kale oo sababaa.

mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Waxan muddo dareemayeey feeraha dushooda xanto xanto yar?
Post by: SomaliDoc on May 15, 2013, 10:27:18 AM
Dareemida in quraansho faraha kaaga socoto aad dareemayso waa cabasho la xiriirto neerfaha adimaha oo cilladaysan "peripheral neuropathy".

Neerfahaas oo ah kuwa dareen siiya adimaha ayaa waxaa dhaawac gaarsiin kara xanuuno  badan oo ay ka mid tahay jugta, in cadaadis saarmo sida in la barkado gacantada oo kale, sonkorowga, xanuunka kilyaha, sunta, fitamiin yarida noocyo qaar ah iyo xanuuno badan oo la soo koobi karin.

Haddii xanuunka uu noqdo mid joogto ah waa in cudurkaas la baaraa si loo ogaado nooca keenay kadibne lagaa daaweeyaa, hadii xanuunka uu yahay mid waqti yar ku hayay kadibne kaa tagay waxay u badnaan kartaa in cadaadis muddo ah uu saarmay hal neerfe sida dadka aad u garaaca computerka (typing) waxay halis ugu jiraan in dhaawac gaarsiiyaan neerfaha faraha quudiyo oo dhex mara jalaqlayda.

Haddii xanuunka uu joogto noqdo ama ku faafo fara kale waa in aad la xiriirtaa takhtar aqoon u leh cudurka neerfaha kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo "Neurologist"

Haddaa su'aal dheeraad qabtid waa na waydiin kartaa