Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sacdiya on January 12, 2009, 07:32:00 PM

Title: Xanun dhinaca dhuunta ah
Post by: Sacdiya on January 12, 2009, 07:32:00 PM
waxaan heesataa canug 8bilood jira: tanlabaadna kiilaadyar ayuu ku  dhashay  caanahana afka kama qaadan jirin oo tubo ayaa sanka laga galin jiray oo ilaa dhuunta mareeso. kadibna wax walba oo lasiiyo waa uu soo matagi jiray ilaa malintii uu dhashay canahana ma ahan kuwa ayagoo goan uu soo matagi jiray canaha oo sidooda ah ayuu keenijiray inta eesan caloosha gaarin. marka uu cayaarayana waxuu u dhawaaqi jiray sidii qof codka kaxiran mideyda kalana waxuu riixaa sidii in uu saxaroonaayo oo kale: Markii uu 8bilood gaarayna waxuu bilaaway in uu u dhawaaqo sidii qof neef heeso oo kale:


walalayaal qeyrka allaha idin waa fajiyo: tan labadna jawaab dagdag ah ayan idinka cosanayaa:
Asalaamu caleyku waraxmatulaahi wabarakaatuhuu:
Title: Re: Xanun dhinaca dhuunta ah
Post by: SomaliDoc on January 13, 2009, 09:55:14 PM
Walaal salaan ka dib...

Waxuu cunugga u baahanyahay baaris raajo weliba iyadoo la adeegsanayo waxa loo yaqaanno (Barium) oo ah dareere jeeso u eg oo la cabo ama jirka lagu duro si sawirro looga helo raajada.

Sawirkan wuxuu muujin karaa haddii ay jiraan wax xiray ama ku yaallo hunguriga...

Haddii aad su'aal dheeraad ah qabtid weydii
SomaliDoc