Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Darmaan123 on September 16, 2015, 11:31:32 AM

Title: Geedka Moringa Oleifera
Post by: Darmaan123 on September 16, 2015, 11:31:32 AM
Marka hore diktooradu way salaaman yihiin. bacda salaan walal geedka moringa oleifera wax ma ka taraa xanuunka welwelka, sideese loo isticmaali karaa, maxay ka aaminsanyihiin dhakhtaradu geedka moringa oleifera. ma aqoonsan yihiin inuu dawo yahay mase la hubsaday waxtarkiisa?.
Waad mahadsan tihiin wll.
Title: Re: Geedka Moringa Oleifera
Post by: SomaliDoc on February 17, 2016, 03:19:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/moringa.png)

Waxaan ka hadlayaa geedka loo yaqaano "Moringa" oo bilahaan sheekadiisu aad ugu soo badatay bulshada soomaalida dhexdeeda iyo haddii ay wax ka jiraan faa'idooyinka tirada badan ee la sheego in laga helo.

Moringa Oleifera waa geed kumanaan sano loo soo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, cunno ahaan iyo daawo ahaanba.

Waa geed la sheego inuu leeyahay boqolaal faa'ido oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waana geed aad loogu sameeyay baaritaano cilmibaaris oo kaal duwan, haba u badnaan baaritaanandaas in lagu tijaabiyay xayawaanka.

Sidaa darteed waxaan halkaan ku sheegayaa kaliya 6 faa'ido oo la xaqiijiyay inuu faa'ido u leeyahay bini'aadanka, iskuna waafaqeen cilmibaarisyo kala duwan.


Haddaan soo koobo qoraalkaan, Geedka Moringa waa geed asalkiisu ka soo jeedo dhulka hindida, waxayna u isticmaali jireen weligood in ay ku daaweeyaan xanuuno badan, waana geed meelo badan ka bixi karo haddii lagu beero oo ay ka mid tahay dhulalka soomaaliya, wayna jiraan dad guryahooda ku beertay s ay uga faa'ideystaan.

Haddii aad leedahay xanuunka wadnaha, sonkorta, dhiig-karka ama kolestaroolka, waa in geedkaan la saaxiibtaa.
Haddii ay nafaqo darri jirto ama cunnadaada aysan isu dheelli tirnayn iyaduna waa kuu muhiim in aad cunnada ku darsato.

Midda ku saabsan welwelka, waxuu ka mid yahay waxyaabaha badan ee la sheego in lagu daweeyo, laakiin ma arag cilmibaaris u gaar ah arrintaan oo ku talinayso in daawo welwel ahaan loo qaato.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Geedka Moringa Oleifera
Post by: Msaxane on March 13, 2016, 12:08:10 PM
Salamu Calaykum

Waxan idiin sheegayaa geedkan Moringa inuu ku yaalo oo ka buuxo miyiga dhulka Somalida si dabiici ah,
Gaar ahaan Waxan anigu ku arki jiray dhulka howdka ee koonfur kaga beegan Burco.
Dadku ma yaqaan reer miyiga halkaas
Joogaa wax uu taro,
Xataa magacisa ma aqoon deegaanka looga yaqaan.
Title: Re: Geedka Moringa Oleifera
Post by: CilmiSabca on June 17, 2016, 10:09:19 AM
Dr. Waxaad sheegtay in la isticmaalo caleenta oo shiidan, waxaa su'aal ah; caleenta oo qoyan miyaa la shiidayaa mise caleenta oo la qalajiyey?
Title: Re: Geedka Moringa Oleifera
Post by: SomaliDoc on July 05, 2016, 11:35:20 AM
Iyadoo qoyan ayaa la shiidayaa.
Title: Re: Geedka Moringa Oleifera
Post by: Darmaan123 on August 30, 2016, 08:50:06 PM
aad iyo aad baad u mahadsan tahay diktoor alle khayr haku siiyo jawaab fiican baad iga siisay suaashii aan kaa sugayaye.

Intaa waxaan ku darayaa geedkan waxaan ku beeray xaafada dhexdeeda wuxuuna kusoo baxay 7-cisho gudahood. mudo sanad ahna wuxuu dherer ahaan gaadhay ilaa 4mitir.

waxaan u isticmaalaa xumada, hargabka, hurdo xumada, vitamin yaraanta (sida marka afku nabaro i yeesho). waxaan kale oo u isticmaalaa biyo-sifeeye ahaan. oo biyaha ayuu xareed ka dhigaa ama nadiifiyaa.
waad mahadsan tahay diktoor.
Title: Re: Geedka Moringa Oleifera
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 06:57:45 PM
Wixii isbadal caafimaadkaaga aad ka garata nala soo socodsii insha'llah.
Title: Re: Geedka Moringa Oleifera
Post by: Balqiisahaaji on June 04, 2017, 05:59:49 PM
Dr wax dhibaato ah maleh yahay mida kale ilmaha yar OO difaaca jirkooda yar yahay mala siin karaa