Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on December 25, 2017, 10:38:11 AM

Title: Iska Daawee Cuncunka Qoodhaha Dhakhtar La'aan..!
Post by: SomaliDoc on December 25, 2017, 10:38:11 AM
(http://somalidoc.com/Topics/qoodhaha.png)

Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga jawaabi doonaa su'aashaan hoose:
Quote
"Waxaan qoorahayga ku arkay cuncun siyaado ah oo aan xoqis kala daalay illaa maqaarka uu fiiqmo, waxayna iigu daran tahay markaan dhidido ama dhar igu dhaggan xirto maalintaas, waxaan kaloo arkayay in duf cad ka kacayso maqaarka qoorahayga markaan aad u xoqo, wax nabro ahne ma lihi, marka dhakhtarow arintaan maxay noqon kartaa?!"

Waa maxay cilladda cuncunka qoodhaha?
Cilladaan waxaa keeno nuuc ka mid ah jeermiska fangaska ee keeno cudurka cambaarta ama cabeebka, wuxuu kaloo jeermiskaan ku dhacaa basada, jirka, kilkilaha, farjiga iyo ciddiyaha.

Jeermiskaan wuxuu ku tarmaa lakabka sare ee maqaarka, wuxuuna ka faa'idaystaa huurka iyo meelaha dhididka leh sida qooraha, waraqda, cajarrada dhexdooda iyo jeexa barida.

Waa jeermis si sahlan lagu kala qaadi karo haddii la isla wadaago shukumaannada lagu tirtirto, dharka la isla gashto iyo musqulaha furan ee la isla isticmaalo ama haddii ay xaaskaagu qabto caabuqa fangaska ee cawrada gala, faahfaahintiisane ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)

Astaamaha lagu garto cudurkaan:

Sidee lagu xaqiijiyaa inuu cudurkaan ku hayo?
Badanaa waraysiga iyo wiisitada ayuu dhakhtarka ku fahmaa, laakiin waxaa lagu sii xaqiijin karaa baaritaan fudud oo badanaa shaybaarrada laga helo kaasoo lagu baarayo qolofta ama dufta ka kacaysa meelaha aad xoqday oo la soo hoolo, kadibne lagu dhibciyo maaddo loo yaqaano "KOH", kadibne lagu fiiriyo weyneysada si loo arko jeermiska dhibka kugu hayo.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Daaweyntu way sahlan tahay, waa inaad marka hore biyo iyo saabuun ku dhaqdaa xubintaada iyo hareeraheeda oo idil, kadibne aad marsatid kareemka lagu dilo jeermiska fangaska kaasoo loo yaqaano "Antifungal Cream", waxaa muhiim ah in kareemkaas ay ku jirto 3-daan daawo mid ka mid ah: Terbinafine ama Miconazole ama Clotrimazole.

Kareemkaan ama dhiiqadaan waxay ka mid yihiin daawooyinka la gadan karo warqad dhakhtar la'aan, waxayna leeyihiin magacyo aad u badan, laakiin in daawooyinkaas kore mid ka mid ah uu ku jiro iska fiiri.

Waa muhiim in aadan joojin isticmaalka daawadaan markuu cuncunka kaa joogsado, laakiin waa inaad dhamaysataa laba usbuuc illaa jeermiska uu ka dhimanayo (ogow waa muhiim), haddii intaa ka yar isticmaashid wuu soo laaban karaa xanuunka, haddii intaa kadib cuncunka ku siihayo, fadlan la xiriir dhakhtarka cudurrada maqaarka una sheeg bamaatada ama dhiiqada aad soo isticmaashay.

Sidoo kale dadka cilladaan qabo waxay kaloo isku arkaan in isla fangaska uu kaga dhacay faraha cagta dhexdooda taasoo iaydane cuncun ku hayso, haddii aad taasina leedahay waa inaad isla daawadaan ku daawaysaa, faahfaahinta qaabka iyo xanuunka faraha cagta dhedooda waxa lagu fahmo ka akhriso casharkaan kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7069.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7069.0)

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?

Xanuunada lagu qaldo cilladaan:
Waxaa ugu caansan isnidaamiska iyo candhada, faahfaahintoodane ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1078.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1078.0)

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama la talin khaas ah, farriin iigu dhaaf qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)