Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kabtan1238 on September 19, 2017, 02:29:55 PM

Title: Su'aal: Waxaa i cuncuna dhanxanaga?
Post by: Kabtan1238 on September 19, 2017, 02:29:55 PM
Asc wr wb Waa Abdulahi Isse Mohamuud
Dhamaan dhaqaatiirta waan idin salamaya illahey ajar ha idinka siiyo inta kadib inta badan marka aan hindhisho waxaa i cuncunta dhanxanaga kore meesha u dhow dalqada xooga yar ayaan u adkeestaa mararka qaarna carabka foodiisa ayaan u dhaweeya oo ku xoqaa dabadeedna hindhishada ayaa igu saa'ida doctor maxaa sameeya hooyo iyadana waxa ay ileedahay waa xasaasiyo
Title: Re: Su'aal: Waxaa i cuncuna dhanxanaga?
Post by: SomaliDoc on August 22, 2018, 10:00:21 AM
Cuncunka laga dareemo dhanxanaga, waa qeyb ka mid ah Allarjiga, waxaana loo yaqaanaa "Oral Allergy Syndrome", wuxuu la socon karaa sanboorka, cuncunka indhaha, qufaca iyo riiraxyada, xiiqda IWM.

Markaad cuncunkaan dareentid, waxaad u baahan tahay daawo xasaasiyadda kaa jabiso, maxaayeelay kullamaa sii xoqdid way kugu sii kacaysaa oo hindhiso ayaad ku waalanaysaa, dhagahane way ku kulaanayaan.