Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khadar Ahmed on January 25, 2016, 08:46:35 PM

Title: Su'aal: Maxay dumarka qaar habla un u dhalaan qaarna inama?
Post by: Khadar Ahmed on January 25, 2016, 08:46:35 PM
Asalamu calaykum:salan kadib bahda somalidoc.com  aad iyo aadbad umahadsantihiin wanaga iyo khayrka ad umadiina somaliyeed ufaaidaynaysan illaahay hadinka ajarsiiyo,hadan su'aasheyda usodhadhaco waxaytahay,maxay dumarka qaar habla un udhalaan qaarna inama oon inago aminsan in illaahay intaba gacanta kuhayo hadan majiraa CILAD sabab u ah, hablaha qaar maxay dhicis udhalaan ama quban ay somalidu utaqaan?wadmahad santihiin dhammaantiin gaara ahaan DR.
Title: Re: Su'aal: Maxay dumarka qaar habla un u dhalaan qaarna inama?
Post by: SomaliDoc on February 02, 2016, 03:15:53 PM
Ma jirto wax cillad sabab ah ama fasir cilmiyeysan oo ku saabsan arrintaan.
Waa awood ka baxsan bini'aadank, sida aad tilmaantayne waa alle awoodiisa.
Waxa kaliya oo cilmiga ogyahay waa in markuu ilmaha abuurmayaan oo ugxanta hooyada bacrismayso, haddii hidde wadayaasha ay isku soo aadaan X iyo Y in uu noqonayo wiil, haddii ay X iyo X isku soo aadane waxay noqonaysaa gabar, laakiin sida ay iskugu soo aadayaan ma ahan arrin ay bini'aadanka awoodiisa ay leeyihiin iyo in kala leexin karaan xitaa ma isku dayi karaan.