Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Waxbaro! on January 08, 2009, 08:51:44 PM

Title: Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay
Post by: Waxbaro! on January 08, 2009, 08:51:44 PM
(http://somalidoc.com/Topics/birta.jpg)

Iron ama bir ama feero waa nafaqo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo helidda dhiig caafimaad leh.
Quudka muhiim ayey u tahay maxaa yeelay waxay door ka cayaartaa sameynta maadada hemoglobin, waa qayb ka mid ah unugga dhiigga guduudan, ee jirka siiya ogsijiinta. Haddii kaydkaaga birtu hooseeyo, waxa laga yaabaa inaad dareentid daal badan oo aad arag dillaatid sidii qof bukka oo kale.
Aad isbitaalka haddii aad u maleynaysid in kaydkaaga birtu hooseeyo.

Cuntooyinka Birta ama Feerada Qaniga ku ah:

Jirkaagu wuxuu birta ama feerada cuntooyinka xoolaha uga soo nuugaa si ka fudud cuntooyinka geedaha. Si aad jirkaaga ugu caawiso inuu birta ka soo nuugo geedaha, cuntada ku darso Fitamiin C. Waxyaabaha Fitamiin C laga helo waxaa ka mid ah: furutada ama casiirka burtuqaalka, yaanyada, qaraha, istarowbari, khudradda iyo furutada inta badan midabkoodu xooggan yahay. Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Fitamiinnada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html)
Cuntooyin ka dooro dhammaan kooxaha cuntooyinka kuna darso cunno birtu ama feeradu ku sarreyso ugu yaraan hal mar maalintiiba.

Halkaan ka akhriso cashirka Dhiigyarida iyo Astaamada lagu garto (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html)
https://www.youtube.com/watch?v=adNlvGDYwHU&t=1s (https://www.youtube.com/watch?v=adNlvGDYwHU&t=1s)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay
Post by: Towfiiq on January 11, 2009, 04:44:06 PM
Qoraal wax-tar leh.

Thanks
Title: Re: Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay
Post by: Jamaal on September 05, 2009, 05:26:54 PM
Thanks brth