Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on April 06, 2017, 04:10:54 PM

Title: Dabciga Isxakamaynta iyo Wada Noolaanshaha!
Post by: SomaliDoc on April 06, 2017, 04:10:54 PM
(http://somalidoc.com/Topics/isxakamayn.png)
Waa casharkii sadaxaad ee aan kaga hadlaynay dabciyada aan badanaa aqoonta loo lahayn, waxaana maanta ku soo qaadanaynaa dabciga loo yaqaano "is-xakamaynta". qofka iska leh dabcigaan waxaa lagu yaqaanaa foojignaan, qorshayn, caaboonaan iyo nidaam. waxaa dabcigaan afka qalaad lagu dhahaa "Conscientiousness", waa dabci faa'ido u leh qofka Alle siiyay, laakiin isku-dhac ayuu badanaa u keenaa. dadka dabcigaan leh waxaa la ogaaday in qeyb ka mid ah maskaxdooda loona yaqaano "Anterior cingulater cortex (ACC) ay aad u shaqayso, qeybtaas oo bini'aadanka u xilsaaran urursanaanta, kala-dambaynta, qoryshenta, xisaabinta, foojignaanta iyo falaanqaynta dhacdoooyinka.

Waa maxay dabeecadaha dadkaan?

Dabciyadaan dartood, way adag tahay in dadka qaar ay fahmaan dadkaan, waxaana loo arkaa dad nolosha isku adkeeyay, jecelna inay dadka kale sidaa u dhaqmaan. khaasatan qofka ay la nool yihiin hadduu yahay qof leh dabci lid ku ah dabcigaan leh, badanaa ma heshiin karaan oo waxay isku dagaalaan waxyaabo yaryar oo qofkaan u arki karo wax aad u wayn oo lama taabtaan ah.

Maxay ku fiican yihiin dadkaan?

Sidee loola dhaqmaa qofka dabcigaan leh?
Qofka dabcigaan leh waa lala heshiin karaa: