Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Farhya on April 09, 2016, 08:31:09 AM

Title: Su'aal: dhinaca midigta ayaanan u seexan karin?
Post by: Farhya on April 09, 2016, 08:31:09 AM
asc dr waad mahadsanthy intaas ka dib waxan ahy hooyo uur leh wliba bilihii danbe marka dhinaca midigta ayaanan u seexan karin xiliga hurdada oo ilmaha ayaa firgasho badan ama dhaqdhaqaq saaida samyna marka maxad talo iga siin waa bilahi towfiq[/b][/i][/b]
Title: Re: Su'aal: dhinaca midigta ayaanan u seexan karin?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 02:22:02 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qaabjiifka.png)

Hooyada iyo uurjiifkaba uma fiicna inay dhinaca midig u seexdaan oo dhakhaatiirtu badanaa waxay kula talisaa inay u jiiftaan dhinaca bidix sababahaan soo socdo awgood:

Waxaa kaloo muhiim ah in hooyada uurka leh aysan dhabarka iyo caloosha u jiifsanin khaasatan bilooyinka ugu dambeeyo uurka, sababtuna waxay tahay in ilmaha ay cadaadis saarayaan uurku jirta, dhabarka iyo xididada waawayn tan waxay hooyada u keenaa dhabar xanuun, baabasiir, neefsashada oo dhibto iyo cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco.

Intaa kadib, waxaa haboon in hooyadu ay dhinaca bidix u jiifsato markii ay uur leedahay khaasatan wixii ka dambeeyo bisha sadaxaad, haddii aad ka daashid hal dhinac waad is gedin kartaa laakiin u badnow dhinaca bidix, tan oo la xaqiijiyay inay caafimaad ugu jirto hooyada iyo uurjiifkeedaba.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)