Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Burhan.samraana on August 16, 2016, 10:06:00 AM

Title: Su'aal: Waxaan Qabaa xasaasiyad Dhinaca Dhuunta Ah?
Post by: Burhan.samraana on August 16, 2016, 10:06:00 AM
Asc Dr
Salaan kadib waxaan rabaa in aan kula wadaago xanuun ama cilad iheysata
Aniga oo ah Burhaan Macalin Xasan
Waxaan Qabaa xasaasiyad Dhinaca Dhuunta Ah oo xiliyada Habiinka ah taas
Oo aan u isticmaalo Kaniin lagu magacaabo pradasilone
Kaas oo hadij aan habiinkii qaadan aan hurdo seexan karin qunfac dardiis
Marka Dr maxaan uga maarmi karaa kaniinkaas
Kuna dawoowi karaa
Mahadsanid Dr.
By.Burhaan
Title: Re: Su'aal: Waxaan Qabaa xasaasiyad Dhinaca Dhuunta Ah?
Post by: SomaliDoc on October 13, 2016, 01:06:41 PM
Xasaasiyad haddii ay tahay waxaa haboon in laga fogaado waxa aad dhibsanaysid, tusaale ahaan haddii ay jirto cunno gooni ah oo aad habeen walba ku cashaysid, haddii uu jiro xanuunka thyroid-ka isagane qufac waa lala soo toosaa, haddii jirka biyo badan ku jiraan oo aad leedahay cillad wadnaha, iyadane qufac iyo neefsashada oo ku dhibayso waad la soo toosi kartaa, haddii aad tahay qof sigaar cabo oo sambabadiisa oksajiinka ay ku yar tahay, iyadane waad la soo toosi kartaa qufac habeenkii.

Intaas kadib, haddii ay xasaasiyad kaliya tahay waxa aad ka cabanaysid, fadlan ha joogteynin daawada Prednisolone-ka, dhibaatooyin badan ayuu leeyahay sida in kontaroolka sokorta dhiigaaga ay dhunto, in lafahaaga ay jilcaan iyo kilyahaaga ay dhaawac gaaraan iyo in jirkaaga baruru ama xayr ay dagto, waxaad ku badalan kartaa adigoo miraha xabad sowdada ruugo marka aad seexanaysid habeen walba.

Akhriso qoraal ku saabsan riiraxyada dhuunta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4948.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4948.0)

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.