Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tuuraq on February 09, 2011, 09:01:34 PM

Title: Walal qoorta infection maku dhacaa ? Hadii uu ku dhacase dhibato ma ukeena jirka kale waa maxase cal
Post by: Tuuraq on February 09, 2011, 09:01:34 PM
Asc walal salan kadib waxan jeclan lahaa inan ogaado. qoorta iyo madaxa inta u dhaxeysa gaar ahaan labada taag ayaa mudo i xanuuneyso marka waxan jeclan lahaa inan inan wax kabarto xanuunada qoorta ku dhaca. Mahadsanid walal .
Title: Re: Walal qoorta infection maku dhacaa ? Hadii uu ku dhacase dhibato ma ukeena jirka kale waa maxase
Post by: SomaliDoc on February 14, 2011, 08:48:40 PM
Qoorta ma muruqa ayaa kaa xanuunaya mise lafaha?
Ma ku danqanaysaa markaa riixdid?
Ma jalleecinta qoorta ayaa ku dhibaysa?
Ma wax jug ah ayaa kaa gaartay?
Title: Jawab celin
Post by: Tuuraq on February 14, 2011, 09:45:27 PM
Asc dr mahdi .waa kuwan su aalihii jawaabtoodii (1) suashi aheyd ma lafta ayaa kuxanuuneyso masa muruqo? Waxan walal xanunka kadareemaa muruqa.
(2) maku danqaneysaa markad riixdid? Haa waa idanqaneysa walal
(3) majalecinta qoorta ayaa ku dhibee ? Haa walal marka an jaleciyo waa idhibee
(4) majug hore ayaa kaa gaartay? Maya walal wax jug ah majirto. Mahadsanid ;)
Title: Re: Walal qoorta infection maku dhacaa ? Hadii uu ku dhacase dhibato ma ukeena jirka kale waa maxase
Post by: SomaliDoc on February 18, 2011, 08:44:26 PM
Xanuunka ku dhaco murqaha surka ama qoorta waxay ka dhashaan 5-ta murqo oo surka ku yaalla mid ama dhowr inay ku xanuunaan kaas oo calaamadihiisa ay ka mid yihiin: sur xanuun, surka oo togtogma, qoorta oo aadan jilleecin karin iyo madax xanuun.

Xanuunka murqaha qoorta waxay ka billaaban karaan iyadoo muruqaha ay dhaawac gaaraan ama si aan sax aheen loo adeegsado sida in qaab darro loo jiifsado.

Xanuunka badankiis wuu iska baaba'aa haddii murqaha laga shaqeysiiyo oo aanan xanuun dartii in murqaha loo ilaaliyo maahan taas waxay keensanaysaa in murqaha ad hawlgabaan kadiban ay daciifaan.

Haddii murqaha surka ay ku xanuunaan, murqaha u jimci, daldaliig, xanuun baabi'ye qaado.

Haddii xanuunka uu yahay mid joogto ah oo aanan kaa tagayn waxaad u baahantahay in aad la xiriirto takhtar si laguu baaro.