(http://www.health2know.com/images/hfmd1.jpg) | Maxaa keena xanuunka gacanta, cagta iyo afka? Xanuunka gacanta, cagta iyo afka waa caan ku ah ilmaha iyo caruurta oo uu keeno fayras. Waxay ku dhacdaa badiaa ilmaha 10 sanno kaya, laakiin dadka waaweyna waa ku dhici kartaa. Waxa badiyaa la arkaa wakhtiga guga ama xagaaga (summer and fall). Kuma xidhna jirrada gacanta-iyo-afka ee xoolaha waxa isku gudbin kara min qof ilaa qof. Waa maxay calaamadaha xanuunka gacanta, cagta iyo afka? Calaamadaha jirrada gacanta, cagta iyo afka waxa ka mida qarax yar oo afka , baabacooyinka, suulasha cagaha, iyo badhida ah. Xanuunka waxa ku jiri kara qandho, dhuun xanuun, iyo hargab oo kale. Afka qaraxiisu waxa laga yaabaa inay dhib ku keeno cunista iyo cabbista. Qofka xanuunka qaba waxa laga yaabaa inaanu arag calaamooyinkaa ama wax yar ka arko ama dhammantoodba arko. Intee ayey gaadhsiisan tahay ba’naanta xanuunka gacanta, cagta iyo afka? Badiya guud ahaan xanuunku wuu sahlan yahay. |