Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaxshaxleey on May 21, 2016, 05:53:59 PM

Title: Su'aal: Talaalka lugta laga qato baa farisay cunugayga?
Post by: Shaxshaxleey on May 21, 2016, 05:53:59 PM
 as dr waxan idin waydiin ilmaha hadii talaalka lugta adayg noqdo oo uu wax buruq ah yeesho see la dhahaa  cunug ayaa hada kahor saas iga  noqotay kadib lugtaa xoga qaloc uga jira sina waa u gaaban tahay aakin waa socotaa hadana  cunugayga aya markii la talaalay meeshi adkaatay oo burtuq adayga ku jira sideen yeeli karaa baraf  saar bay dhaheen wan saray
Title: Re: Su'aal: Talaalka lugta laga qato baa farisay cunugayga?
Post by: SomaliDoc on June 03, 2016, 08:59:33 PM
Haddii talaalka si qaldan barida qofka looga siiyo waxaa dhaawac gaaro neerfaha loo yaqaano Sicatic nerve, kaasoo quudiyo lugta oo idil, qofka wuxuu dareemi karaa lugta inay gaabato, murqaha lugtaas inay kor waayaan iyo dareenka oo yaraado, markii ay arrintu cusub tahay waa la xallin karaa, laakin hadduu dhaawac mar hor ahaa wuu dhib badan yahay, fadlan la xiriir dhakhtar.