Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Husni on August 24, 2015, 11:43:40 PM

Title: Su'aal: Baaritaanka ESR muxuu sheegaa?
Post by: Husni on August 24, 2015, 11:43:40 PM
asc dhaqatiirta iyo bahda hol wadeynada web bage waad kumahadsantahiina wana idinkaga mahad celinaya dadaalkiina halkiina kasii wada alah ha idinkugu badalo xasanaad

waxan raba in aan wax ka ogaado ESR marki lakusameyo diagnose in the lab maxa laku ogaan karaa? cudur oo si khaas ah ushegayo miyaa jiro?

waxan kurajo weynahay inaad dhaga jahil bixi doontaan aniga iyo inta daneneyso iney wax ka ogato mar 2&3 wan idinkaga mahad celinayaa
Title: Re: Su'aal: Baaritaanka ESR muxuu sheegaa?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2015, 02:41:47 PM
(http://somalidoc.com/Topics/esr.png)

ESR waxaa loo soo gaabiyay "Erythrocyte Sedimentation Rate" waxaa baaritaan la cabbiro sida dhakhsaha ah ee unugyada dhiigga cascas u dagaan ama u fadhiistaan weelka ama tubada lagu cabiraayo salkeeda.

Tani waxay dhacdaa markii jirka ay ku bataan waxyaabo tilmaamayo in caabuq ama lur uu jiro ama isbadal xaga soo saarka borotiinka jirka.

Kullamaa ay waxaas jirka ku bataan kullamaa ay unugyada cascas ay dhakhso salka fadhiistaan, sidaas awgeed ma ahan baaris u gaar ah xanuun gooni ah laakiin waxay tilmaamaysaa in ay wax qaldan yihiin oo uu jiro "Inflammation", halkaan ka akhriso waxa Inflammation laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5674.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5674.0.html)

Waxaa ESR-ka siyaadiyo xanuuno dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

Xilliyada qaar si dabiici ah ayuu u kici karaa sida xilliga uurka iyo markuu qofka duqoobo.

Hadduu ESR-ka uu kacsan yahay waa in baaris dheeraad ah la sameeyaa si loo ogaado waxa kiciyay ee baaritaankan kaligiis waxba laguma dhisi karo.
Tusaale haddii uu jiro qof xanuunsan oo leh qufax xaako leh, qandho, cunno xumo iyo dhidid badan habeenkii iyo miisaanka oo sii lumayo muddo ka badan 2 usbuuc, haddii baaritaan lagu sameeyo dhinaca dhiigga ah oo la arko in ESR-ka uu kacsan yahay, taasi macnaheeda ma ahan in qofkaan uu qabo tiibisho, laakiin way u badan tahay, sidaas awgeed waa in aad candhuufta ka baarta bakteeriyada tiibishada keento ama raajo la saaro si loo hubiyo in ay nabaradii tiibishada lagu garanayay ee feeraha ka muuqdaan.

Haddii baaritaan lagugu sameeyay oo la arkay in baaritaanka ESR ama dhiiga feeska uu kacsan yahay, waxaad u sii baahan tahay baaritaan dheeraad ah.
Sida dabiiciga ah waxaa laga rabaa qofka ragga ah in ESR-kiisu uu u dhaxeyso 0 illaa 22 mm/hr, qofka dumarkane waa in ay u dhaxaysaa cabirku 0 illaa 29 mm/hr, haddi tiradaasi ay laba jibaaranto ama sadax jibaaranto waa in qofka baaris dheeraad lagu sameeyo hadduu dareemayo xanuun.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)