Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cumar Axmed on November 12, 2016, 01:38:47 PM

Title: Su'aal: Murqo xanuun, lafo xanuun aad u daran?
Post by: Cumar Axmed on November 12, 2016, 01:38:47 PM
ASC

Magaceyga waxaa la yiraahdaa Cumar Axmed, waxaan degganahay Muqdisho, Soomaaliya, da'deyduna waa 49 kjir. Waxaan ka cabanayaa murqo xanuun, kalagoysyo xanuun iyo lafo xanuun ba'an laga soo billaabo September 2013. Waxaan u tegay dhaqaatiir kala duwan oo daawooyin ii soo qoray laakiin waxba kuma dheefin. Waxaa xusid mudan inaan qabo cudurka Dhiigkarka oo anigoo aad u da'yar igu dhacay (22 sano markaan jiray), markii hore dawo maan qaadan jirin laakiin waxaan billaabay inaan dawo si toos ah u qaato sanadkii 2001, ilaa iminkana oo ah muddo ka badan 15 sano si joogto ayaan daawadaas u qaataa.  Daawooyinka aan qaatay waxaa ka mid ah Enalapril (20mg), Lesozide (100mg), Angilock Plus (100 mg) oo marba aan iska beddelayay iyo iminka oo aan qaato Lisinopril (20mg). Waxaa kale oo jirta inaanan Baabasiirka ka marneyn oo aan qabo in kastoo uusan serous aheyn.

Waan dareemay daawada aan u qaato dhiigkarka in side effects keeda uu ka mid yahay murqo xanuun laakiin ma joojin karo.

Tan kale daawooyinka loo qaato lafo xanuunka ee loo yaqaano NSAIDS waa u daranyihiin dhiig karka sidaad la socotaanba.

Hadaan idiin sii yara faahfaahiyo lafo iyo murqo xanuunkeyga meelaha iigu daran waa faraha lugaha iyo cagaha, faraha gacmaha, garbaha (mararka qaarkood tabakaanka dhar kalama soo degi karo oo gacanta kor uma qaadi karo), cajarrada, bowdooyinka halka ay kaga xiranyiin qeybta sare ee jirka (murqaha xaninyaha agtooda ah), dhabarka iyo guud ahaan jirka. Xanuunkan dartiis miisaankeyga xitaa hoos ayuu u dhacay oo dadkoo dhan waxay igu wareeriyeen "waar  maxaa kugu dhacay oo aad sidaan ugu caatowday?". Haddase miisaankeygu waa 63.5kg. waxaan markii hore ahaan 70 kg.

Hadda wax dawo ah uma qaato lafo iyo muruq xanuunka ee Dhaqaatirrey maxaad igula talineysaan, talo waa tii Alle e.

Mahadsanidiin
Cumar Axmed
Tel:****
Title: Re: Su'aal: Murqo xanuun, lafo xanuun aad u daran?
Post by: SomaliDoc on November 29, 2016, 03:27:17 PM
Sida ka muuqato cilladaada waa murqaha, ha ka timaado dhinaca daawada ama cillad kalaba ha jirtee, waxaa u bahan tahay dhakhtar safiican kuu waraysto, ku wiisiteeyo baaritaannane kuu diro, xanuunka dhiig-karka markuu raago wuxuu saamayn ku reebaa neerfaha, sidaa darteed murqo xanuun waa dareemi kartaa, daawada sidoo kael way nqoon kartaa, sidoo kale xanuun kale oo kuu wehliyo dhiig-karka ayaa jiri kara oo murqo xanuun keeno sida kolestaroolka, marka wabixintaan kooban awgeed laguma ogaan karo cilladda rasmiga.