Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on April 16, 2012, 01:32:01 AM

Title: Su'aal: Joodariga iyo meelaha ad-adag ee jiifka ah, kee baa Caafimaad badan leh?
Post by: CilmiSabca on April 16, 2012, 01:32:01 AM
Asc. Dhakhtar, marka uu qofku ku seexdo joodari ama isbuunyo, waxa dhacda in la soo tooso caajis halka marka uu qofku ku seexdo dariin ama sali ama wax kaloo adag, uu dareemo caajis+lafa xanuun iyo dhabar xanuun, marka Dhakhtar, jiifafkaan lagu seexdo waa lagu kala fiican yahay marka la eego da'da dadka. Haddaba, Dhakhtar, qofka dhalinta yar iyo qofka weyn, walxahaan kee baa mid walba ku haboon iyadoo ay dadka qaarkood duruufo dhaqaale haysato?
Mahadsanidiin dhamaantiin.
Title: Re: Su'aal: Joodariga iyo meelaha ad-adag ee jiifka ah, kee baa Caafimaad badan leh?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2012, 04:50:13 PM
Joodariyada adadag oo aan godka ahayn iyo kuwa loo yaqaanaba joodariyada caafimaadka, waxay u rooyihiin lafdhabarta, iyo murqahaba.
Joodariyada godka ama ama aadka u jilicsan uma roona qofka caafimaadkiisa ha ahaado qof wayn ama qof yarba, maxaayeelay qofka haduu in muddo ah u jiifo qaaf qalloocan waxay saameyn ku samaynaysaa murqihiisa iyo lafihiisa taas ayaana keenayso qofka in uu la soo kaco caajis, dhabarxanuun ama murqo xanuun.
Title: Re: Su'aal: Joodariga iyo meelaha ad-adag ee jiifka ah, kee baa Caafimaad badan leh?
Post by: CilmiSabca on May 20, 2012, 02:14:23 AM
Dhakhtar waad mahad san tahay, haddii ay meesha la jiifanayo tahay meel adag, sida darbi oo kale. Caafimaad xumo miyaa lagala kulmi karaa haddii ay hareeraha jidhka murmurxiyaan?
Title: Re: Su'aal: Joodariga iyo meelaha ad-adag ee jiifka ah, kee baa Caafimaad badan leh?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2012, 01:27:13 PM
Waa in meesha aad jiifsanaysid ay ahaato meel siman, waana in aysan ahaanin meel adag sidii dhagaxii si cadaadis jirka u fuulin.
Fadlan raadso joodari adag.