Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed lipaan on April 10, 2018, 12:57:44 AM

Title: Su'aal: Hadduu dareenkeygu kaco, galmane aan samayn..?
Post by: Axmed lipaan on April 10, 2018, 12:57:44 AM
asc Dr waad mahadsantahay waxaa abaal weyn ah faaidada aad u haysid umada somaliyeed cilmiga ilahay Ku siiyay na Allah hakuu siyaadsho
suaal ban qabaa
hadii uu dareenkaygu kaco anigoon wax galmo ah samayn waxaa aad I xanuusto xaniinyaha ilaa dhabarka xataa taabashadu way i damqaysaa arintaas xanuun wayn bay igu haysaa ilaa in 2 bilood ah ayaan iska arkay xanuunkan wax dhibaato ah oo ma dhalays nimo ah miyay ii keeni kartaa
Title: Re: Su'aal: Hadduu dareenkeygu kaco, galmane aan samayn..?
Post by: SomaliDoc on December 19, 2018, 08:19:36 PM
Cilladaan ma ahan mid adiga kuu gaar ah laakiin waa arrin dabiici ah oo ragga oo dhan isku arkaan waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Epididymal hypertension", waxaana la isku arkaa markuu qofka dareen galo, kacsado, biyahane aysan ka soo bixin.

Kadib wuxuu qofka qooraha ka dareemaa xanuun, danqasho, culeys iyo raaxo darro, hadduu qofku korkiisa cad yahayne xididada qooraha waxay yeeshaan midab buluug ah, taasoo arintaan loogu bixiyay "blue balls".

Waxaa badanaa la arkaa markii aad kacsi dareentid, biyahane aysan kaa imaan, awalne muddo 1 illaa 2 usbuuc aadan horay u biyo bixin.

Waxaa dhacdo in qulqulka dhiigga uu ku aruuro xaniinta, waxay arintaan badanaa ka sheegto dadka daawado sawirrada ama filimada xunxun kadibne qulqulkii dhiigga ayaa xiniinyaha ku xirmo, waxaana ku dhaco waxa loo yaqaano "dhiig-karka xiniinyaha", mana ahan wax halis ah, saacadaha ugu horayso ayaa laga yaabaa in xanuun siyaado ah ku qabto ama kaadida ku dhibto laakiin cadaadiska xiniinyaha fuulay tartiib ayuu ku yaraanayaa.

Halkaan ka akhriso dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada filimaanta jinsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0)