Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Beeldaaje87 on October 30, 2018, 04:54:13 PM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay xajiin gadhka?
Post by: Beeldaaje87 on October 30, 2018, 04:54:13 PM
ASC Doctor Mahdi waxan ahay nin oday ah waxan timaha iyo gadhka marsan jiray Brown Hinna afartii sano ee ugu danbeysay marka bilahan danbe waxan isku arkay cun cun iyo xajiin gadhka iyo madaxa ah markaan marsado xinnaha oo aan ka qobeysto illaa maalin ama laba maalmood. Hadana wiigagii ugu danbeeyey waxa ku soo korortay intii hore hindhiso saa’id ah marka aan marsado oo aanan weli ka qobeysan. Hadana shalayto ayan marsaday xinnihii hindhiso ma lahayn balse waxa i qalashay dhuunta oo candhuuftii ayan liqi kari waayey iyo xaji intii iyo cun cunkii oo saa’id sii noqday oo weliba ku sii fiday jidhka intiisa kale sida gacmaha oo aad moodo in irbad lagu mudmudayo. Deg deg ayan uga maydhay balse  cun cunkii iyo xajiintii iyo qalaylkii dhuuntu wuuba sii saa’day xitaa heer codkaygii isbedalay. Waxan kale oo isku arkay markaan sujuudayo salaadda wax aad moodo inuuu ka soo dhacayo qaybta hoose oo dhuunta ayaa xidhaya dhuunta markaan fadhiistona malaha wixii. Waxaad moodaa inay dhuunto debecday oo ay hoos usoo dhacayso markan wejiga dhulka dhigo. Waana meeshii aan ka dareemayey qalaylka welina waan dareemaya qalaylkii dhuunta markan liqayo candhuufta. Xinnaha aan marsaday shalayto iyo wiiggii horeba waxa la dhahaa Eagles brown Hinna. Waxan kale oo aan marsan jiray Royal brown Hinna marka ma garanayo in Royal brown Hinna asagana aan sidaas ku noqdo iyo Eagles keliya uu yahay. Fadlan adigoo raali ah doctor Mahdi si private ah ma iigu jawaabi kartaa.
Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xajiin gadhka?
Post by: SomaliDoc on March 20, 2019, 10:46:12 PM
Cillaanka qaarkiis waxaa lagu soo daraa kiimiko xoojinayso midabka si uusan dhakhso kaaga baab'in, dad badan ayaana Allarji ku qaba markay marsadaan, qofka wuxuu dareemi karaa cuncun, hindhiso, jirka oo bararo ama naqaska inuu dhibo, faahfaahinta daawooyinkaas ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6935.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6935.0)