Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Osobow on September 28, 2017, 08:05:51 AM

Title: Su'aal: Faa'idada Subbaga Goronyada?
Post by: Osobow on September 28, 2017, 08:05:51 AM
Dr salaan kadib waxaan rabaa inaan fikrad ka helo

subagga goronyada maxaaa faaido Ku jiro jaha wareer ayaan ka qabaa waayo soomaaludu qof wax ayuu kuu sheega

bal xog naga sii mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Faa'idada Subbaga Goronyada?
Post by: SomaliDoc on September 05, 2018, 07:56:57 PM
(http://somalidoc.com/Topics/goroyo.png)

Isticmaalka subagga goronyadu waa dhaqan hore oo ay isticmaali jireen xadaaradihii hore, cilmibaarayashu waxay sheegeen in subaga goronyadu ay ka buuxdo saliidda nuuca loo yaqaano "omega fatty acid" taasoo muhiim u ah maqaarka jirka.

Jirka si dhakhso ah ayuu u nuugi karaa saliida goronyada markii la marsado, waxuu kaloo faa'ido u leeyahay dhaawacyada fudud ee maqaarka soo gaaro sida gubashada, dildillaaca, bacoolayaasha iyo kor qallaylka.

Sidoo kale subaga goronyada waxaa ku jirta maaddo lid ku ah duqoobista maqaarka "anti-ageing", taasoo yarayso duuduubka iyo laablaabka maqaarka, sidoo kale waxaa la mariyaa bararka indhaha hoostooda ku samaysma.

Saas ay tahayne dhibku saliidaanu leedahay waa iyadoo dhakhso halawdo mana raagto markii la barbardhigo saliidaha kale.