Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on March 23, 2015, 11:10:46 AM

Title: Su'aal: Waxaan dareemaa in jirka oo dhan i bood boodo?
Post by: Abdi21 on March 23, 2015, 11:10:46 AM
Asc wr wb salaan sare dhamaan dhaqaatiirta walaaheen ah waxan jecelahay inaad iga caawisaan xiliga habeenkii ama marka aan nasiinada ku jiro waxaan dareemaa in jirka dhan i bood boodayo sida beerka dhanka bidix ee wadnaha marka aan xoog wax uqabtana aan jareeynaayo aniga dhana aan faqleeynayo oo dikaamayo sidii qof tabar dari heeyso oo kale mana ka jiifan karo habeenkii waxana qabaa gastrick sida dhaqtarka igu dhahaday lkn waxa la ii siidiray baaritaan ah bagteeriyada caloosha h.p waxna waan cunaa lkn hadana qof daalan oo kale ama soo orday ayaan ahay
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaa in jirka oo dhan i bood boodo?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 02:08:12 PM
Boodboodka aad dareemayso bal noo sii waadixi?
Ma waxaa dareemaysaa murqaha jirka oo dubaaxinayo?
Mise wadna garaac jirka saameynayo oo siyaado ah?
Mise caloosh qeybaheeda oo in ay wax ku dhex dhaqdhaqaayaaan oo kale?

Fadlan warbixin dheeraad ah naga sii astaamaha aad dareemayso, iyo wixii kale oo la xiriiro...
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaa in jirka oo dhan i bood boodo?
Post by: Abdi21 on March 30, 2015, 10:34:39 PM
Habeenkii marka aan hurdo oo daqiiqado indhaha is galiyo ayaan dareemaa in sidii dikaan ama dubaaxasho jirka gaar ahaan qeeybta saableeyda idubaaxaneeyso waxaan u heeystay wadne garaac lkn dhaqtar ayaa tagay waxana la igu xiray qalab wadnaha lagu cabiro kadib daawo gastarick oo aan isticmalayay ayaa la iga bedelay oo kaniini la ruugayo inta aan la jiifan ayaan qaatay xoogaa waana ka roonaaday lkn waxaad moodaa inaan tabar daro dareemayo gaar ahaan marka hurdada igu yartahay ayuu dibaaxashada saableeyda siyaado tahay marka ma keeni kartaa hurdo yarida ama tabar dari amaba xanuunka gastrick
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaa in jirka oo dhan i bood boodo?
Post by: Abdi21 on March 30, 2015, 10:36:55 PM
Tan kale waxaan dareemaa sidii qof xabadka isku jiro inaan ahay oo ubaahan il lagu istaago ama loo juciyo
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaa in jirka oo dhan i bood boodo?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2015, 04:28:13 PM
Hurdada oo laga soo naxo, cadaadis feeraha aad dareento, wadna garaac, af-qalleel, caajis, dibbiro, daaco badan, kuleel calaacalaha iyo cagaha intaba calaamad gaaska way u noqon kartaa, waxaa kaloo muhiim ah in gaaska laftirkisia lagaa eego ma kii bakteeriyada ay keeneysay miyaa mise waa kii laabjeexa iyo aashitada caloosha ay ku badanaysay oo ay gaajada, fakarka iyo daawooyinka ay kiciyaan.

Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)