Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Almis on August 16, 2015, 03:31:48 PM

Title: Su'aal: Biyaha oo la badsado Waxtar ma u leedahay Caafimaadka?
Post by: Almis on August 16, 2015, 03:31:48 PM
ASC WR WB  DHAMMAAN TAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED ,  IYO HOWL WADEENADA WEBKAAN QIIMAHA  IYO FAA IIDADA LEH .
dictor bal wax ino ifiisa wax taarka biyaaha oo labsado uu qofku ka heli karayo iyo cafimadkisa
Title: Re: Su'aal: Biyaha oo la badsado Waxtar ma u leedahay Caafimaadka?
Post by: SomaliDoc on August 18, 2015, 04:54:08 PM
(http://somalidoc.com/Topics/biyaha.png)

Ilaahay wuxuu biyaha ka dhigay nolosha noolaha oo idil, waxaa intaa sii dheer in jirka biniaadanka boqolkiiba 60% uu biyo ka samaysan yahay, muhiimna u yahay shaqo kasta oo jirka ka dhaco.

Haddii biyaha jirka ku yaraadaan waxaa ka dhasho xanuuno badan oo la soo tira koobi karin, hadduu fuuqbax dhacane waa halis qofka u dhiman karo.

Inkastoo aan faa'idada laga helo cabitaanka biyaha aan la soo koobi karin waxaan isku dayayaa in aan ka hadlo inta ugu muhiimsan.

1- Biyaha wuxuu dheellitiraa dheecaannada jirka ku jira: dheecaanada ugu muhiimsan jirka ee laga sameeyo biyaha waxay ka qeyb qaataan dheefshiidka, dhuugist cunnada, wareega dhiigga, sameenta calyada, xambaaridda walxaha nafaqada si jirka loo gaarsiiyo iyo habaynta heerkulka jirka, intaasiba waa laga maarmaan in qofka uu helo si uu u noolaado.

Jirka wuxuu ku dadaalaa sidii loo heli lahaa biyo ku filan sidaas awgeed eebe wuxuu maskaxda biniaadanka ku abuuray meel loogu talagalay in ay dareento oonka sidaas awgeedne qofka ku qasabto inuu biyo si degdeg ah ku raadsado si jirka howshiisa aysan hakad u galin, waxay kaloo qeybtaas maskaxda ay kontorooshaa meelo kale oo jirka ka tirsan sida kilyaha, iyadoo haddii oon yimaado kilyaha loo sheego in kaadida ay hakiso si loo badbaadiyo inta yar ee biyaha jirka ku hartay..

2- Biyaha waxay ka qeyb qaataan kontoroolka tamarta jirka: taas oo macnaheeda ah biyaha waxay buuxiyaan caloosha iyagoo aanan jirka ku soo kordhin wax miisaan saari kara, waana sababta ay dhakhaatiirta ugula taliyaan dadka raba in ay iscaateeyaan in ay badsadaan cunnooyinka ku badan biyaha.

3- Biyaha waxay awood siiyaan murqaha jirka: unugyada murqaha waa u muhiim in ay helaan biyo ku filan si ay shaqada joogtada ah u wadaan oo ah in ay jirka dhaqaajiyaan qeybihiisa kala duwan sidaas awgeed dadka cabitaanka biyaha ku yaryahay waxay dareemaan caajis, tabardarri iyo murqo xanuun, waana sababta dadka jimicsada loogula taliyo in ay biyo ku filan cabaan oo iyagoo ooman aysan jimicsi samayn maadaama murqaha ay dhaawacmi karaan.

4- Biyaha waxay quudiyaan oo nuuriyaan maqaarka jirka: maqaarka wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan jirka oo biyaha ka faa'idaysto, waana astaanta lagu garto caafimaad ahaan marka qofka uu fuuqbaxo in maqaarka uu mugdi, qallayl, khafiif ah oo jiidjiidmo ayuu noqdaa, waxaana ka luma dhaldhalaalka.

5- Biyaha waxay caawiyaan shaqada kilyaha: Biyaha waxay jirka ka saaraan wasakhda iyagoo kilyaha geeya, waxayna ka shaqeysiiyaan qeybaha kala duwan ee kilyaha, haddii qofka kilyaha ay shaqada joojiyaan waxay keenaysaa in qofka ay sunta jirkiisa ku aruurto oo ku qasbanaado in la dhaqo oo mashiinno lagu xiro, halkaan ka akhros qoraal ku saabsan sida loogu dadaalo caafimaadka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html)
Haddii biyo cabitaanka ay kugu yaryihiin waxaa halis ugu jirtaa in kilyaha ay dhagax ku suubsamaan.

6- Biyaha waxay hagaajiyaan shaqada mindhicirrada: cabitaanka biyaha waxay ka hortagtaa caloolfadhiga / saxaro adeegga, taas oo jirka u leh faa'idooyin badan oo al soo koobi karin, waxay kaloo badbaadiyaa unugyada mindhicirrada inuusan dhaawac gaarin.

Intaa haddii aan ku soo gabagabeeyo faa'idada ugu badan ee biyaha laga helo, waxaa muhiim in la ogaado in cabitaanka biyaha nadiifka ah aanay badalkeeda gali karin shaaha, cabitaanada kale iyo dareerayaasha kalaba.

Waxaan kaloo ku boorin lahaa akhristaha qoraalkaan in biyaha la cabo subaxii hore ay ku jiraan caafimaad badan, soomaalida waxaa lagu tiriyaa umadaha aanan ku fiicneyn biyo cabitaanka, maxaayeelay badanaa markaan oonno kaliya ayaan biyaha cabnaa ama in cunno lagu cuno kaliya, aad ayayna u yar tahay in aad aragtid qof isagoo aanan oomanayn biyo cabayo.

Ku dadaal cabitaanka biyaha, waa daawo aanan waxyeello lahayn, haddii jirka uu ku batane si aan dhib lahayn oo caafimaad ku jiro ayaa loo saaraa oo qashinka jirka ayaa lagu raacsiiyaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)