Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saleeban Axmed on May 22, 2015, 01:03:09 PM

Title: Su'aal: Waxtarka iyo dhibaatada maraqa iyo beerka xoolaha?
Post by: Saleeban Axmed on May 22, 2015, 01:03:09 PM
jasaaklah khayr waxan doonayaa in layga jaahil saaro  faaidad iyo faaidado darrada maraga(suop) iyo beerka xoolalha( animal liver) keebaa ugu wanagsan  side effect yar leh
Title: Re: Su'aal: Waxtarka iyo dhibaatada maraqa iyo beerka xoolaha?
Post by: SomaliDoc on May 23, 2015, 04:08:05 PM
Maraqa iyo beerka xoolaha waa waxyaabaha ugu badan ee laga helo maadada borotiinka, waxay muhiim u tahay korriinka jirka, kobcidda murqaha iyo lafaha, waxaa kaloo alga helaa walxo badan oo isugu jira bir, fitamiinno, kaalsiyam iyo waxyaabo kale oo badan oo halkaan aan lagu soo koobi karin.

Ma lahan waxyeello haddii aad caafimaad qabto, haddii aad jiran tahay oo cunnooyinka qaar lagaa joojiyay kala tasho takhtarkaaga.