Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on June 25, 2017, 08:43:23 PM

Title: Su'aal: Waxaan ka mid ahay dhalin yarada gymk gasha?
Post by: Diihaal Guuto on June 25, 2017, 08:43:23 PM
Asc dr aad baa u mahadsan tihiin
Dr waaxaa jirta arin wal wal igu dhalisay oo ila soo daristay.
Waxaan ka mid ahay dhalin yarada gymk gasha oo biraha qaad qaada, mudo markaan wadayna waxaan dareemay in xabadka muruqa naaska bidix uu ka ka yar weynaanayo midka midig.

Waxaan mooday shaki aniga ah lkn muda ka dib dadka xafada ila dagan ayaa igu yiri xbadkaaga midbaa yar weyn.

FG. kan midig koriin wuu samayn oo meshiisii hore ma taagna lkn kan kale ayaa ka weynaanayo.

Arintaas waa iga yaabisay ee dr inay xalad caadiya tahay iyo inay cilad tahay ii kala saxa.

Waa mahadsantihiin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka mid ahay dhalin yarada gymk gasha?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2018, 08:53:03 PM
Waa arrin si dabiici ah u dhacdo in labada murqood ee feeraha mid ka mid ah uu bararo xilliga gym-ka ee maahan wax cudur ah, haddii aad jimicsiga sii wadid way isla ekaan doonaan, waxayna arintaan ka dhalataa in mid ka mid ah murqaha uu cuelyska badankiis fuulayay, sidaasne ku bararay.