Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on September 03, 2015, 02:03:41 PM

Title: Toobinta iyo Caafimaadka
Post by: SomaliDoc on September 03, 2015, 02:03:41 PM
(http://somalidoc.com/Topics/toobin.png)

Toobintu waa sunno caafimaad ah oo aan ka dhaxalnay rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkisia ha ahaato.
Toobinka wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay cilmiga caafimaadka ee nabiga "prophetic medicine".

Inkastoo dagaal xoogan lagula jiray in muddo ah in qeybo badan oo ka mid ah caafimaadka diinteena noo sheegtay in la aqoonsado ama asal caafimaad loo yeelo si loo adeegsado, laakiin hadda sidii hore ma ahan, cilmibaarayaal reer galbeedka u badan ayaa waxay diraaseeyeen qeybo badan oo ka mid ah daaweynta nabigeena kana qoreen buugaag dhowr ah taasoo ku kalliftay in lagu biiriyo kulliyadaha caafimaadka iyo isbitaallada lagu daaweeyo bukaannada kala duwan.

Waxaa ka mid ah arrimahaas ku daaweynta malabka, xabad sowdada, toobinta iyo kuwo kale.

Horay waan uga soo hadalnay malabka, toonta iyo xabad sowdada, laakiin maanta waxaan ka hadli doonaa Toobinta hadduu alle idmo.

Toobintu waxaa loo isticmaalaa ka hortag cudur iyo daaweyn cudur labadaba, caalamkane dhawaantaan ayuu ku baraarugay arrintaan ahmiyaddeeda khaas ahaan 5-tii sano ee ugu dambaysay, haddane jaamcadaha waaweyn qaarkood waxaa laga bixiyaa tababarro shahaado wata oo ku saabsan toobinta, sidoo kale isbitaallada qaar ka mid ah waa lagu sameeyaa.

Waxaa intaa sii dheer in ay suubsameen xarumo cilmibaaris oo isku taxallujiyay cilmibaarista iyo daryeelidda dadka khibradda u leh ku daaweynta toobinka oo laga dhaqan galiyay wadamo dhowr ah.
Waxaa ugu firfircoon kooxahaas jamciyad ka howlgasho dalkaan ingiriiska oo u khaas ah toobinta "British Cupping Society (http://www.britishcuppingsociety.org/)", waxayna qabtaan shirar, iyo tababarro, waxay kaloo taakuleyn siiyaan ama ku caawiyaan daabicista cilmibaarisyada la xiriira ku daaweynta Toobinta.

Haddii aan isku dayo in aan soo koobo waxii lagu soo daabacay qoraallada ay jamciyadda ingiriiska diyaarisay kuwaas oo ku saabsan xanuunada ay baaritaannada ku arkeen in toobinta ay wax ka tarto waa kuwaan:

Waxa la yaabka leh waxay tahay xanuunada kor lagu xusay oo toobinta looga hortago ama lagu daaweeyo waxay u badan yihiin xanuunno aanan ilaa iyo hadda loo haynin daawooyin looga bogsado laakiin ay jiraan kaliya daawooyin kaalmaati ah.

Toobinta siyaabo kala duawn ayaa loo adeegsadaa, waxaa jiro toobin qallalan "dry cupping" oo iyadoo qofka la sarin la adeegsado iyo toobin qoyan "wet cupping" oo in qofka la saro muhiim ay tahay.

Dhakhaatiirta adeegsato toobinta waxay ku taliyaan in laga fogaado isticmaalka xaaladahaan soo socdo:
1- Xilliga uurka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.msg3528.html#msg3528)
2- Xilliga caadada (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.msg6833.html#msg6833)
3- Hadduu qofka kansar faafay (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,484.msg1178.html#msg1178) uu leeyahay
4- Hadduu qofka jaban yahay.
Waxay kaloo ku talinayaan in aanan toobinta lagu kor samaynin meelaha xididada halbowlayaasha ay maraan, in meel nabar leh iyo meel xidid bararan uu maro in aan lagu dul samaynin.

Toobintu waxay ka faa'ido badan tahay duugista jirka "massaging" oo la sameeyo xilliyadaha qofka uu raadinayo firfircooni iyo nasiinno jirka ah ama xilliga uu qofku uu ka cabanayo daal joogto ah.

Digniin:
Haddii aad rabto in aad is toobtid iska ilaali waxyaabahaan soo socdo:

Akhriso Faa'idada Malabka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html)
Akhriso Faa'idada Xabadsowdada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5502.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5502.0.html)

Haddii aad qabtid wax su'aalo ah, noogu soo dir halkaan:  http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)