Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qambi1 on July 14, 2012, 06:30:01 PM

Title: Su'aal: Gacmo dhidid?
Post by: Qambi1 on July 14, 2012, 06:30:01 PM
Salaan kadib walal waxan doonaya inad iga caawisan gacmaha iyo lugaha aya aad idhidida marwalba xiliga qabawga iyo kulaylba ilaa intan xasustana saas ayan aha wax dhakhtar ahna uma tagin lkn xanuun iguma hayso hadad waxdawo ah ama talo ah ihaysan fadlan igacawiya mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Gacmo dhidid?
Post by: SomaliDoc on November 03, 2012, 10:07:46 AM
Waxa ugu badan oo kiciya waa diiqada, welwelka, dhaxdinta, fakarka iyo wixii niyadda kiciyaba.
Dhididka noocaan maahan cudur waa dhaxal waxaana ku bilawdaa yaraanta.

Dhididka badan ee caadiga ah waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hyperhidrosis", haddii calaacalaha aad ka dhidido waxaa loo yaqaanaa "Palmar Hyperhidrosis" kan cagahana "Plantar Hyperhisrosis".

Haddii qofku iskala noolaan karo wax dhib ah kuma yeelaneyso laakiin haddii ay saameyn ku yeelato nolol maalmeedkiisa waa inuu la xiriiraa takhtar si xal loogu helo.

Dadka ugu badan ee dhibaato ku qabo ayaa waxaa ugu horreeyo ardayda weliba xilliyada imtixaannada maadaama ay niyad kacsaniyihiin dhididkane uu saaid yahay taasoo keenta in ay warqadaha iska qooyaan imtixaankane ka shaqayntiisa dhib ku noqdo.

Hababka daaweeynta dhidhidka xad dhaafka ah waxaa ka mid ah daawooyin dhidhidka yareeyo oo loo yaqaanno "antiperspirants" ama qalliin lagu joojiyo dhidhidka.

Wixii macluumaat intaa dheer kala xiriir takhtarkaaga.