Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on March 30, 2008, 04:31:48 PM

Title: Maxaa Dhaliya Diiqadda/Niyad Jabka?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2008, 04:31:48 PM
Niyadjabku wuxuu badannaa ka bilaabmaa, marka uu isbeddel weyn ku yimaado nolosha qofka. Niyadjabka waxaa ka horayn kara xaalad ah, inuu qofku lumiyo (waayo) dad muhiim u ah, ama waxyaabo noloshiisa muhiim u ah, sida Shaqo la’aan ama guri la’aan ku dhacda. Niyadjabku wuxuu mararka qaar ka bilaabmaa xaalad ay tahay inuu qofku iska debero arrimo waawey oo ku cusub, oo aad moodo in awooda qofku aanay ku filnayn. Waxyaabahaasi waxay noqon karaan, tusaale ahaan guuritaan meel cusub, la qabsasho dhaqan cusub ama barasho af cusub.

Dadka qaar inuu niyadjabku ku dhaco way uga fududdahay kuwa kale. Arrintaasna waxaa sabab u noqon kara, tusaale ahaan jinsiyada layska dhaxlo ama dabeecadda qofka. Waxaa kaloo la og yahay in niyadjabka ay la xiriiraan isbeddello ku yimaada habka ay maskaxdu u shaqayso.

Isbeddelladaasi badannaa sidoodii hore ee caadiga ahayd ayey ku soo noqdaan, marka uu qofku niyadjabka ka bogsado.

In badan diiqadda ama niyad jabku waxa dhaliaya arin mar dhacda, khaasatan marka ugu horaysa. Wixii kugu dhacay yaraantaadii waxay raad ku yeelan kartaa sidaad u dareemaysid naftaada hada.

Waayo-aragnimada dhiilaysani, sida dhaawacista, kufsiga waxay dhalin karaan diiqada, sida murugadu u dhaliso. Ma’aha dhinac xumi ka eegida oo keliya tan dhalisa diiqadda, laakiin waad sidaad ula macaamishid. Waayo aragnimada dhinac xumi ka eegista waxay had iyo jeer ku kordhiyaan diiqadda hadii aanad falaqayn, una bandhigin si fiican.

Diiqadda waxa kale oo ay ku xirantahay (in ay dhaliso) cuno xumida, jirkoon dhisnayn ama xanuunada joogtada ah.

Dawooyinka loo isticmaalo jir dhisida, IWM waxay keeni karaan diiqad.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0)
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=890.0)
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=897.0)
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=910.0)
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=915.0)
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=916.0)
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=917.0)

Halkaan ku weydii wixii su'aalo ah
SomaliDoc