Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Admin on November 12, 2007, 04:52:04 PM

Title: Caruurtaada Ka Fogeey Ciyaartaan!
Post by: Admin on November 12, 2007, 04:52:04 PM
(http://images.salon.com/tech/machinist/blog/2007/11/08/aqua_dots/story.jpg)Hadii aad ciyaartaan ilmaahaaga u soo gadi jirtay si ay ugu dheelaan, waa muhiim inaad warkaan akhrisaa.
Ciyaartaan oo loogu talagalay inay ilmaha ku ciyaaraan laguna sameeyay dalka shiinaha, ayaa marka ay soo baxday noocii ugu dambeeyay ciyaarta ayaa la xaqiijiyay inay Sun ku jirto hadii ilmaha ay afka la galaan ay u dhiman karaan, ilaa iyo hada ilmo badan ayaa isbitaal loo jiifiyay arintaa awgeed, ciyaartaa oo mareykanka laga aruuriyay iyo usturaaliya ayaa walwal ku abuurtay waalidiinta.

Ciyaartaan markii la baaray ayaa la ogaaday inay ku jirto sunta nocoa loo yaqaano "1,4 butylene glycol", taasoo hadii la liqo is badasha oo mid qatar ah noqota.

Ciyaartan oo la joojiyay soo saaritaankeeda, ayaa shirkadii sameysayne lagala noqday laysansigii.

Marka waxaa dhamaan la ogeysiinayaa waalidiinta jecel ilmahooda inay u soo gadaan ciyaaro ay ku dheelaan, inay diktoonaadaan, maxaayeelay ciyaaraha noocaan waxaa lagu soo daadin karaa suuqyada wadamada saboolka ah, awoodne u laheen inay baaraan, warna aysan ka heynin taasoo keeni karta inay dad badan u la'daan.

Dr.Mahdi